London, UK March 24, 2015 (Hubaal) – Garyaqaan Peter Gray oo ka tirsan xafiiska qareenadda Gibson Dunn & Crutcher ayaa lagu helay inuu si badheedh ah maxkamadda sare ee Ingiriiska uga qariyay cadaymo laga sugayay oo la xidhiidhay dacwad u dhaxaysa dawladda Djibouti iyo mid ka mid ah maalqabeenka ugu qanisaan wadankaas Cabdiraxmaan Booreh.
Xaakin Mr. Justice Flaux ayaa maalinti isniintii shalay xukumay in xayraadi ka saarnayd Ina Boore lacag dhan $100 million oo dollar sida uga dhakhsaha badan loogu fasaxo, sida uu xaakinkaasi ku cadeeyay xukunkiisa uu ku dhawaaqay.
Xafiiska qareenadda Gibson Dunn ayaa shaqadii iyo sharciyadi uu ku shaqaynay ay joojisay garyaqaan Peter Gray ila iyo inta laga soo gabagabaynayo badhis lagu hayo xafiiskan Qareenada ee u doodayay dawladda Jabuuti. “Waxa aan go’aankan u qaadanay markii garyaqaan Mr. Gray uu si badheedh ah maxkamada hoorteeda maalintii dhegaysiga dacwada ee ku taariikhsanayd 10-11 September sanadki 2013 ay soo baxday in ay jiraan cadaymo muujinaya inuu talaabadaas ku kacay.” Sidaana waxaa lagu yidhi qaraarka garsoore Mr. Flaux J ku dhowaaqay 23 March, 2015. “Ka dib markii aan eegay dhamaan cadaymihii la ii soo gudbiyay, ayaan go’aansaday in aanan rumaysan sharaxaadii uu garyaaqan Mr. Gray ka bixiyay dhegaysiga dacwada. Iyaddoo ay jirtay is faham la’aan isaga iyo maxkamada ka dhex dhacday oo ku saabsan taariikhda ku qornayd waraaqihii telefoonada.” Garsoore Mr. Flaux J.
Waxa kalo uu sheegay garsoore Mr. Flaux J in ficilada dowlada Afrikaanka ah ee Djibouti ay ku eedaysay ganacsade Cabdiraxman Booreh iyo weerarkii argagixisadda ahaa ee sanadki 2009 ay ahayd taalabo khaldan.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI