Gadood ka dhashay Munaasibad Madaxweyne ku-xigeenku ka Qayb-galay oo lagu xusayey Maalinta Naafada Adduunka

0
17

 “Annagu haddaannu nahay Naafada uma baahnin in naloo ooyo, uma baahnin in naloo sacab-tumo, laakiin waxaannu u baahannahay wax qabad…” – Mid ka mid dadka Naafadaha ah ee Munaasibadda ka Qayb-galay

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, ayaa shalay ka qaybgalay Xuska Maalinta Naafada Adduunka oo Hargeysa lagu qabtay, waxaanu sheegay in Albaabka Naafo-nimadu yahay mid furan oo maalinba qof ama kooxi gasho.

LOLXuskan maalinta Naafada caalamka oo sannad kasta 3-da Bisha December dunida iyo Somaliland-ba laga xuso, ayaa shalay lagu qabtay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxaana Munaasibaddaa cabasho ka muujiyey xubno ka tirsan Naafada Somaliland oo sheegay inay ka biyo-diideen hadallada Masuuliyiinta madasha ka hadlay qaarkood iyo sida aanay dawladda Somaliland isaga xil-saarin wax u qabashadooda oo xataa aanay goobtaa Xafladda lagu qabanayey loo suuragelin qaab ay si sahlan iyaga oo Baabuurta ay dadka Cagaha Naafada ka ahi ku socdaan ugu geli karaan, kuwaasoo qaarkood Xafladda uga baxeen.

“Annagu haddaannu nahay Naafada uma baahnin in naloo ooyo, uma baahnin in naloo sacab-tumo, laakiin waxaannu u baahannahay wax qabad. Anigoo inta halkan fadhida (Naafada) iyo inta maqan-ba afkooda ku hadlaya, waxaannu codsanaynaa Madaxdayada sharafta leh ee dawladda in naloo sameeyo Wasaaradda Naafada iyo Agoonta, waxaan leeyahay dhegaysta dhambaalladayada aannu sidno oo wax ha naloo qabto.” Sidaa waxa tidhi Gabadh ka mid ah dadka Naafada ah ee reer Somaliland oo Munaasibaddaas ka hadashay.

LOLKa sokow Wasiirro iyo Xubno kale oo Xafladdaas ka hadlay oo maalintan awgeed ku hambalyeeyey Dadka Naafada ah ee reer Somaliland oo ay xuseen in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarintooda, waxa isaguna halkaas ka hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo hambalyo u diray Naafada caalamka, gaar ahaanna Naafada reer Somaliland.

“Naafadu wax cidna iibsato maaha, waa wax qaddar Illaahay ku yimaadda, inta maanta socota ee lixda laxaad u dhan yihiin maalin walba in baa ku biiraysa ama shil haku yimaaddo ama wax kale ee waa qaddar ILLAAHAY ku yimaadda oo qof kasta oo adduunka ku nool wax u qoran baa ku dhacaya ee waa in qof waliba markuu isagu is-eego ku samro, waayo Nebigu (S.C.W) wuxu yidhi ‘qofka kaa sarreeya ha eegine ka kaa hooseeya eeg’.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, waxaanu ballan-qaaday inay Xukuumad ahaan ka go’an tahay wax la qabashada iyo caawinta dadka Naafada ah ee reer Somaliland.

Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here