Gacan Ka Hadal Mar Kale Ka Dhacay Afaafka Hore Ee D/Hoose Ee Boorama Xili Ay Gudaha Xarunta Ku Sugnaayeen Saraakiil Ka Socotay Wasaarada Daakhiligu

0
19

Boorama(Hubaal) Waxa markale cirka isku shareeyay khilaafkii maalmahii u dambeeyay ka aloosnaa gudaha D/hoose ee degmada Boorama, waxana maanta uu mar kale muran  gaadhay gacan ka hadal uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta golaha degaanka ee degmada Boorama, kadib markii ay xildhibaano shan ah oo baabuur saarnaa ay  koox dhlinyaro ahi isku gudbeen baabuurkii ay wateen.

newsGoobjoogayaal ku sugnaa banaanka D/Hoose ee degmada Boorama ayaa shabakada uga waramay sida ay wax u dhaceen waxana ay yidhaaheen “Waxa albaabka D/Hoose ka soo baxay baabuur ay saarnaayeen 5 xildhibaan oo kala ah  ahaa Xil. Cabdiqani, Xil. Indhosheed, Xil. Cabdiwahaab, Xil. Xoosh iyo Xil. Xayte waxa aan aragnay baabuurkii oo ay dhalinyaro tiro badani ku xoontay oo ay la murmayaan Xil. Cabdiqani oo baabuurka waday, dhalinyaradan ayaa sidoo kale XIl. Xayte kala soo dagay Baabuurka, waxana intaas kadib u soo dagay laba xildhibaanadii kale, buuqii ayaa cirka isku shareeray muran aanan garanayn meesha uu salka ku hayo ayaa goobtii ka bilaabmay, ma fahmin waxa ay isku haysteen, dadwayne badan ayaa meeshii ku soo ururay, waxana aan sii arkayay baabuurkii ay xildhibaanadu saarnaayeen oo dhinac u dhaqaaqay oo ay qaar ka mid ah dhalinyaradii buuqa waday ay dhinacyada haystaan”

Geesta kale ayaa waxa ay saraakiisha boolisku dhinacooda uga xaqiijiyeen shabakada in ay xildhibaanadu dacwad ka dhan ah arintan dhacay ay diiwaan galiyeen, isla markaana ay saraakiisha amnigu kiiskan baadhid ku hayaan.

Ma jiraan warar faahfaahsan oo intan dheer oo arintan laga helayo, waxase xusid mudan oo la sheegi karaa in ay maalmahii u dambaysay oo dhan ku sugan yihiin Boorama saraakiil sedex ah oo ka socda Wasaarada Arimaha Gudaha kuwaas oo loo xilsaaray inay xog dhab ah ka keenaan muranka ka is maandhaafka ka aloosan gudaha golaha degaanka ee Degmada Boorama.

Waxana ay wararku intan ku darayaan in xildhibaanadan shanta ah oo dhamaantood ka tirsan garabka ka soo horjeeda Maayarka Boorama oo maalmahan dambe wada miishin ka dhan ah hogaanka Golahu ay daqiiqado ka hor waqtigii uu dhacay isku dhacani ay ka soo baxeen waraysi ay la yeesheen gudidaasi xaqiiqi raadinta ah ee ka socota Wasaarada Arimaha Gudaha.

Ugu dambayntii marka la milicsado ra’yul caamka reer Boorama ayaa waxa uu qabaa tuhn salka ku haya in dhalinyaradan maanta is hortaagay xildhibaanada ka soo horjeeday Maayarku ay ahaayeen kuwo arintoodu ay suuragal noqon karto inay ka dambeeyeen Masuuliyiin sare waloow aanan la xaqiijin Karin tuhinkaasi.

Xigasho: Hadhwanaagnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here