Gacan Ka Hadal Khasaare Gaystay Oo Magaaladda Harta Sheekha Ku dhexmaray Ciidanka Liyuu Boliiska Iyo Dadweynaha

0
49

Harta-sheekh(Hubaal)- Ciidanka Liyuu Booliiska ayaa rasaas u adeegsaday dadweynaha Harta-sheekha ee Kililka shanaad oo ka gadooday booyadaha biyaha u dhaamiya oo la xidh xidhay.

newsMudahaar iyo gacan ka hadal ayaa lagu soo waramayaa inay is dhaafsadeen dadweynaha iyo Booliisku, waxaana la sheegayaa inay jiraan dad ku dhaawacmay rasaas nool oo ay Liyuu boolisku u adeegsadeen dadka, halka illaa shan iyo afartan qof oo kale na la sheegay inay xabsiga dhigeen.

Iska hor-imaadka ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay Booyadaha biyaha dhaamiya oo ay raafeen ciidanku, taasoo ay dadweynuhuna u arkeen arrin qaldan oo lagu doonayo inay dadku ku haraadaan magaaladda, maadaama Booyaduhu u dhaamiyaan.

Liyuu Booliiska ayaa xidh xidhay qaar ka mid ah masuuliyiintii magaaladda, waxaana wali taagan khilaaf culus oo xal loo la’yahay, inkasta oo tiraba laba jeer ay kulmeen dadweynaha iyo Madaxda Kililka shanaad oo usoo gurmaday

source:waaheen

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here