FARSHAXANKA CAYDA IYO AFLAGAADADA .SIYAASIYIINTA SOMALILAND :

0
75

Sheekooyinka laga soo weriyey dawladdii roman kii hare , ayaa qaysar kii (boqorkii) waxa soo gaadhey ashtakiiyin iyo cabashooyin uga yimi pols ka caasimadda ,taas oo ku saabsanayd , in subax walba ay helaan ,wisikh (kudaafad) hadhaaya xoolaha ah ,DHIIG -UUS -XIIDMO,  waxaas oo lagu dhamooqo oo la marmariyo ,sanamada wajiyadooda (sanamadaas oo ahaa ,kuwii ay caabudi jireen xiligaas ) ,oo ku yaalay qaysarka qasrigiisa hortiisa , oo ku yaakay   caasimadda dhexdeeda .

888

Qaysarkii (boqorkii) arintan aad buu uga cadhooday , waxaanu amray in ciidan arintan u gaara la sameeyo ,oo daba gasha ,oo habeen iyo maalin u heelan , ay soona qabtaan dadka waxan sameynaaya ,ee ku dhacay ,inay (ilaahyadoodii) sanamadoodii ay wajiyada ka wisikheeyaan

Kabacdi arintii waxa lagu qabtay nin roodhile ah , waxa loo geeyay qaysar kii ,isaga oo silsilado ku xidh xidhan .

Qaysar kii ayaa roodhilihii waydiiyay :SIDEEBUU UGU DHACAA ? inuu ilaahyadooda (sanamadoodii)  quudhsado  ? uguna xad gudbo ? .

Ninkii roodhiilaha ahaa ,ayaa isaga oo deggen jawaabay , wuxuuna ka codsaday qaysarkii ,inuu su aashan jawaab teeda dib ugu dhigo ,ilaa iyo maalinta ciidda  wayn ,ee dadkoo dhami isu imanayaan .. qaysarna wuu ka yeelay .

Maalintii ay bulshadii reer roma oo dhami isugu yimaadeen ,garoonkii waynaa ee ay ku dabaal degeyeen ,ee ay balantu ahayd ,oo boqorkiina joogo . AYAA ninkii roodhiilaha ahaa , inta uu is dhextaagey garoonkii : waxa uu ka waramay arinkii uu sameeyay :

wuxuu yidhi : mudane qaysar- bulsha waynta reer roma :anigu nin roodhile ah baan ahay,magacaygu waa (luwuji), subaxan saaka ah ,ka hor,cid itaqaanay may jirin,LAAKIIN  iminka cid kastaaba way i taqaanaa ,OO CAAN BAAN NOQDAY , hadday tahay ( caruur -ciroole- rag – dumar- mas uuliyiin -) CID CASTA OO ROMA KUNOOLI ,WAY I WADA YAQAANAAN OO WAY I WADA GARANAYAAN . arintaas na wax loo dhigaa oo kale ma jiraan xagayga .

Waxaan  u sameeyay iguna kelifay  arintan FOOSHA XUN ,EE AH WAX LAGA XISHOODO ,waxaan doonaayay INAAN QOF CAANA NOQDO ,OO LAWADA YAQAANO . oo waxaan garan waayay arin wanaagsan oo aan sameeyo ,oo dabadeedna aan caan ku noqdo ,oo laygu barto .

sheekadan waxaynu ka dhex arkayna ,arimahan iyo xaaladahan dalkeena (somaliland) ka taagan ee haysta (cayda -aflagaadada-akhlaaq xumada-khilaafaadka-xaalad abuurka-hanjabaada-caga juglaynta-dhaqan xumada -musuqmaasuqa -cadaalad darada-..)fikirka xun iyo aragtiyooyinka (ra yiga) aan caafimaadka qabin ee warbaahinta laysu marinaayo .

FARSHAXANKA CAYDA IYO AFLAGAADADUNA ,IMINKA WAXAY MARAYAAN ,in QOFKA KARAAMADA IYO SHARAFTA LAGA QAADO.oo wax kasta oo xun oo qof waxyeelo loo gaysan karo ,in lagu sameeyo ,lagu kaco.

Waxay akhlaaq xumadii maraysaa ,meel waali ah .

waxay SIYAASIYIINTII (MUXAAFAD iyo MUCAARAD BA) u tafa xayteen ,sidii ay qof kasta oo qiimo bulshada dhexdeeda ku leh ,wuxuu doono ha noqdee , inay caayaan -aflagaadeeyaan , wuxuu arinku noqday ,markaad HEBEL caydo AYAAD MAQAAM KIISA AAD GAADHAYSAA ,lana mid noqonaysaa ,ee cay ,oo aflagaadee , SI AAD CAAN U NOQOTO , BULSHADA DHEXDEEDA UGU NOQOTO .

BAL QIYAAS ARAGTIDAA AMA CAQLIGAA BUKA (XUN) EE SIDAA U FEKERAAYA . IYO BULSHADA WAXAA DHEGEY SANAYSA .

QOF KASTAABA ARAGTI DIISA U GAAR KA AH ,XAQ BUU U LEEYAHAY , laakiin  QOFNA XAQ UMA LAHA INUU DADKA KALE CAAYO AMA  AFLAGAA DEEYO , QOF KASTAANA FIKIR KIISA U GAARA WUU SOO GUDBIN KARAA ,ISAGA OON CIDNA CAAYIN CIDNA AFLAGAADAYN.

DIINTEENA SUUBAN IYO DHAQAN KEENA WANAAGSAN ,MIDNA MA OGOLA CAYDA IYO AFLAGAADAD .

XORIYATUL QAWLKA QOFKA IYO XORIYATUL CAYDUNA WAA KALA LABA .

WABILAAHI ALTAWFIIQ

CALI MAXAMED BIIXI  caliwwelli@hotmail.co.uk

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here