Faragalin Caalami Ah Oo Midaysay Masuuliyiinta Kala Afkaarta Ah Ee Somaliland

0
16

‘Waxaa Inagu waajib ah dhamaanteen in aynu dalka difaacno, Madaxweynuhuna.” Guddoomiyaha Kulmiye

 

–        Arragtidda Shirgudoonka Baarlamaanka

 

Hargeysa (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, gudoomiyeyaasha sadexda xisbi iyo shirgudoonka Baarlamaanka ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay ergayga qaramadda midoobay iyo midowga yurub ee ay Somaliland ugu baaqeen inay ciidamadooda dib uga qaadaan deegaanadda Sool iyo Sanaag bari.

DSC_0009

Shir ay shalay iskugu yimaadeen masuuliyiinta qaran ee Somaliland ayaa lagaga hadlay sidii cod isku mid ah loogu jawaabi lahaa beesha caalamka ee soo faragelisay xuduudaha Somaliland.

Shirjara’id oo ay wada jir ugu qabteen xarunta madaxtooyadda ayey sheegeen in aanay ogolaan doonin in lagu dirqiyo in ciidamadoodu ka soo baxaan xuduudda, isla markaana aanay cidnaba waxba uga waydiineen ogolaanshaha wadanka gudihiisa.

Sidoo kale, madxweynuhu wuxuu hambalyeeyey ciidamada Somaliland ee gaadhay deegaanadda xuduudda ay la leedahay puntland. “Waxaan Jecelahay in aan halkan ka cadeeyo Maadaama aanu halkan aan isagu nimi dhamaanba Madaxdii qaranka Somaliland Xaalada dalkeena ka taagan aanu ognahay Ciidamadeena Qaranka iyo mawqifka ay qaateen iyo guulaha ay soo hooyeen iyagana aan hambalyo balaadhan aan u diro oo sidaasi aynu sheegnay aanu marwalba u cadaynayno dalkeena iyo dadka kaleba in aan mawqifkayaga la fahmi waayin in aanu dalkayaga daafacaadiisa aanaan cidna ku xadgud bayn,cidna wax ugaysanayn,Ixtiraam iyo qadarina aanu u hayno dadka iyo Umaha jaarka ah intaba laakiin anan uga tanaasulayn qadiyada Somaliland iyo Difaaca dalkayaga Somaliland-ba”Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynaha oo fariin u diray beesha caalamka ayaa sheegay inay jecel yihiin in wadamada jaarka nabad kula noolado, balse qadiyadda Somaliland tahay mid lama taabtaan ah, isla markaana aanay ogolaan doonin farogalin dibadeed,mid siyaasaded iyo mid milatariba  ay qalad ku yihiin dalka iyo dadka Somaliland. “Shacbiga reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay usoo jeestaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabad galyada”.Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo fariin u diraya shacabka Somaliland.

Arragtidda Shirgudoonka Baarlamaanka

DSC_0011

Gudoomiyahaa Golaha Guurtida Somaliland Md:Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in go’aanka madaxweynuhu ka qaatay arrimaha ciidamadda ay taageersan yihiin, isla markaana meel ka baxsan xuduudda aanay duulaan ku ahayn Somaliland. “Qaranku waa mid, Madaxweynihii qaranku,hadalka intaa uu yidhi waa ay ku dhantahay madax kale iyo qaran ahaana intaas ayaanu ku raac sanahay intaas ayaa Madaxweynaha iyo dawladiisaba lagu taageer sanyahay waxii loo baahdana dal iyo duunyaba waa loo diyaar”Ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan.

Gudoomiye ku xigeenka kuwaad ee golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax kana soo jeedda deegaanka Sool ayaa si adag uga hadlay hadal ka soo yeedhay qaar kamida beesha caalamka, kuwaasi oo sheegay in Ciidamada Somaliland ay iskaga soo baxaan Dagmada Taleex, waxana uu ugu baaqay in ay ixtiraamaan Xuduudaha Somaliland, kuna soo dhawaynayaan in ay soo arkaan in Xuduudaha Somaliland in wali ay yihiin sidii ay gumaystayaashii Afrika ay dhulka u kala qaybiyeen.

Gudoomiye ku xigeenka Baashe Maxamed Faarax oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Hadaan ka soo jeedo Beesha bari ee SooL iyo Sanaag waxa aanu qaadanay mawqifkaas uu madaxweynuhu uu qaatay dalka anaga ayaa iska leh cid kale oo aanu kala qayb sanaynaa ma jirto anaga ayaa ku raaliya waxaanu u sheegaynaa beesha Caalamkana in ay ixtiraamaan Xuduudaha Somaliland cidii doonaysana in ay soo aragto waxaanu u fidinaynaa in ay soo aragto Xuduudu Meesha ay tahay Maraykan ha noqoto ma Ingiriiska ha noqoto ama EU-da ha noqoto waxaanu ku marti qaadaynaa in ay yimaadaan Xalin oo aanu tusno Xuduudu Meesha ay marto iyo wali in ay sideedii ay u dhisan tahay,markaa shacabka Somaliland shacabka Bariga jooga waxa weeye maanta duulimaad baa laynagu soo qaaday waxa aynu daafacaynaa waa dalka Somaliland waa loo midaysan yahay oo waad aragtaan cid inaga maqanina ma jito mawqifkaa madaxweynuhu qaatayna waanu qaadanaynaa sidas ayaanan kugu garab taaganahay madaxweyne”Ayuu yidhi Md:Baashe Maxamed faarax

Maxay Xisbiyadda Qaranku Ka Yidhaahdeen Xaalada Sool?

Gudoomiyeyaasha xisbiyadda Qaranka ayaa iyaguna taageeray hadalka uu madaxweynuhu ku difaacayo sugidda xuduuddaha, waxaanay sheegeen inay u midaysan yihiin arrimaha qaranimadda Somaliland iyo xuduudaheedda.

Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah e KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu baaqay shacbiga reer Somaliland in ay difaacaan Dalkooda Somaliland,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in Shicib iyo Axsaaba ay ka midaysan yihiin in sida Madaxweynaha qaranku uu ku hogaamiyo in ay ku difaaci doonaan isaga oo sida oo kalena tibaaxay in aanay difaacida Qaranka Somaliland aanay Cidna uga haybadaysanayn. “Maanta shirkani waxaa uu ahaa shir qaran oo lagu difaacayey qaranka oo lagu soo duulay Shicib, Xukuumad iyo Axsaab dhamaanteenba waxaa inagu waajib ah in aynu dalka difaacno, Madaxweynuhuna inagu hogaamiyo,waa maalintii la midoobayey waxii kale oo dhana halkan ayaa la dhigayaa maanta difaac qaran ayeynu ka midaysanahay”Ayuu yidhi Gudoomiye Muuse Biixi Cabd

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland inay iska kaashaddaan difaaca qaranimadda Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya sida uu xisbigoodu u arko hadaladda beesha caalamka ka soo yeedhaya ee Somaliland lagu qasbayo inay ciidankooda kala baxaan Taleex waxa uu yidhi “Arrinta aan maanta isagu nimi waxa weeye waa arin muqadasa,waxa weeye difaaca qaranka,hadalka uu madaxweynahu yidhina waanu garab taaganahay hadaanu nahay Xisbiga Cadaalada Iyo daryeelka UCID iyo Axsaabta kale-ba” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe

Waxa uu intaas ku daray “Waxa loo baahan-yahay fariin adag oo aanu u dirayno mujtamaca adduunka oo aanu leenahay hadaanu nahay umada reer Somaliland oo qaranimadeeda ilaa sadex iyo labaatan sano haysatay,waxaanu maantana aanu udiyaar nahay in aanu dhiig cusub u hurno, sidii loo hirgelin lahaa midnimada iyo gooni isu-taaga Somaliland,” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Gudoomiyaha xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi Cumar Cirro ayaa isna sheegay inuu taageersan yahay difaacidda qaranimadda Somaliland, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “waxa uu qaranka uu hogaminayo madaxweynuhu uu qaatay mawqif isku mid ah in lagu taageero difaacida qaranka Somaliland, isaga ka masuul ah ilaalinta xuduudihiisa iyo ilaalinta xaquuqda shacabka, mawqifkaasi uu akhriyey madaxweynuhu wuxuu ahaa mid aan wada taageersanahay”.

Fariintan ayaa ka dambaysay kaddib markii Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Midowga yurub ay sheegeen in goobaha muranka ka jiro ee Somaliland iyo Puntlnad isku haystaan ay ciidamadooda dib uga soo qaadaan, taasina waxay si weyn uga xanaajisay shacabka iyo xukuumadda Somaliland oo u arkay gardaro qaawan oo ay u badheedheen beesha caalamka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here