Madaalihii Hobolada WAABERI Cumar Shooli Oo Khaati Ka Istaagay Cumar Shooli Kale Oo Hees Muuqaal Fawaaxish Leh Soo Qaaday

0
78

Maalmahan waxaa bogagga bulshada ee Soomaalidu ay isticmaasho ku badnaa hadal heynta hees cusub oo uu sameeyay fanaan da’yar oo la yiraahdo Cumar Cismaan Macaane (cumar Shooli) oo deggan dalka Mareykanka.

Heestaasi oo ay la jileyso gabar Soomaaliyeed waxaa iyada oo muuqaal ah la soo geliyay bogga Youtube.

Waxaa markii ay daawadeen ka qayliyay muuqaalka heesta, dad badan oo Soomaali ah oo aan jecleysan gabadha oo meelo jirkeeda ama cawradeeda ah banaanka soo dhigeysa isla markaana ay isku dhag dhegayaan oo ay is shuminayaan heesaaga Cumar Shooli.

cumar shooli ka yaaban cumar shooli kaleHaddaba fanaanka Cumar Cabdulle Shooli oo ah Madaalihii Hoballada Waaberi, ayaa sheegaya in fanaankan cusub uu ku cayaaray sumacadda magaciisa oo isaga lagu yiqiin.

Haddaba Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa wareystay labada fanaan Cumar Shooliga yar iyo kan weyn labaduba iyaga oo kala jooga magaalooyinka Addis Ababa iyo Minneapolis

HADABA HALKAN GUJI OO KA DHAGEYSO WAREYSIGA FANAANKA CUMAR SHOOLI

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here