Hargisa (Hubaal) Mudanayaasha Aqalka Baarlamanka Somaliland Ayaa maanta Ku Yeeshay Fadhi Albaabadu Ixidhanyihiin Aqalka Baarlamanka Somaliland Fadhigan Ayaa Ahaa Mid Mudanyaashu Ay Kaga Arin Sanayeen Sidii Ay Si Daacadnimo Iyo Kalsooni Ku DHeehantahay Ugu Adeegi Lahaayeen Danta Qaranka Somaliland.
Waxaana La Sheegay In Xildhibaanadu Goobtaasi Ay Iskaga Raaligaliyeen Isqab Qabsigii Iyo Muranadii Ka Dhashay Khilaafkii Ba,naa Ee Maalintii Daraad La Soo Gabo Gabeeyey Oo Ahaa Muran Saamayn Wayn Ku Yeeshay Habsami Usocodkii Iyo Hawlihii Qaranka Oo Dhan Iyagoo Na Isku Wargaliyey In Danta Gaarka Laga Horu Mariyo Danta Qaranka Oo Khilaafkasta Oo Dhaca Lagu Soo Dabaalo Xasilooni Iyo Is Afgarad .
Kulankan Maanta Oo Ay Ka Soo Xadireen Badi Mudanyaasha Aqalka Baarlamanka Somaliland Ayaa Ahaa Mid Ay Isu Cafiyeen MudanayaaL Inbadan fiintu Dhex Miranaysay Oo Ay Kala Kaxaysay Siyaasada Asxaabta Qaranku
Waxa La Filayaa In Kulankan Maanta Uu Daawo Unoqdo Muranka Isdaba Joogaa Ee Soo Kala Dhexgala Xildhibaanada Baarlamanka Somaliland