Af-hayeenka Xisbiga Waddani Oo Taageeray Baaqii Uruka SOLJA Iyo Warbaahinta Somaliland ay Kaga Jawaabeen Ammarkii uu Wasiir Cukuse ku Soo Rogay Saxaafadda Madaxa-bannaan

0
18

Hargaisa(Hubaal)Afhayeenka Xisbiga Mucaaradkaa Ee Waddani Xidhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa Ayaa Taageeray Baaqii Ka Soo Yeedhay Ururka Saxaafada Somaliland  Ee Solja Isaga Oo Xukuumada Usoo Jeediiyey Inay  Ka Dheeraato Cabudhinta Warbaahinta Madaxabanaan Ee Somaliland

Xidhibaan Ibaraahi Mahadi Buubaa Oo Shabakada Caalamigaa Ee Oodweynenews Khadka Telefoonka Kula Soo Xidhiidhay Ayaa Sheegay Inuu Taageersanyahay In Saxaafada Lagu Dhaqo Xeerka Saxaaafada  Somaliland Ee Xeer 27 Ee 2004 Kaasi Oo Uusheegay Inuu Yahay Xeer Waafaqsan Shruucda Iyo Hab Nidaameedka Saxaafadeed Ee Somaliland Balse Aan La Aqbali Karin In La Cabudhiyo Saxaafada Xortaa Ee Somaliland “Waxan Taageersanahay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Masuuliyinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Saxaafada Somaliland Ee Madaxa  Banaan Uma Baahna In La Cabudhiyo In La Hagar Daameeyo Iyo In Wax Yeelo Loo Gaysto Waxaanu Leenahay Xeerka Saxaafada Ee Labar : 27 .  2004 Lagu Dhaqo Oo La Dhaqan Galiyo “

xildhibaan-Mahdi-BuubaaXidhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa Waxa Kale Oo Uu Soo Dhaweeyey Sidii Wanaagsanayd Ee Golaha Guurtidu Usoo Afjartay Khilaafkii Adkaa Ee Soo Kala Dhex Galay Aqalka Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland isagoona Sheegaay In Uu Aad Aad Ugu Mahad Celinayo Odayasha Guurtida “Waxan Halkan Uga Mahad Celinaya Gudigii Golaha Wakiilada Ee Sida Wanaagsan Isu Xilqaamay Ee Soo Afjaray Khilaafkii Golaha Wakiilada Somaliland Waxan Ku Faraxsanahay Inuu Soo Af Jarmo Khilaafkii Ba,naa Ee Khal Khalka Galiyey Guud Ahaan Gobalada Dalka Waxaana Mahad Iska Leh Odayasha Golaha Wakiilada Ee Arinkan Isu Xilqaamay “

Si Kastaba Ha Ahaa Tee Hadalkan Afhayeenka Xisbiga Mucaaradkaa Ee Wadani  Ayaa Ku Soo Beegmaya Xili maalintii Shalay Ay Wasaarada Maaliyada Somaliland Cashuur Ku Soo Rogtay Tv Yada madaxa Banaan Ee Ka Hawl Gala Gudaha Dalka Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here