Waxa aynu maqlaynay intii la fuliyey Qisaastii ummaddu aad u soo wada dhawaysay in midowga Yurub cambarayn soo jeediyeen, taaso ahayd mid la filayey. Waxa se geesinimo leh sida Wasiirka Caddaladdu uga falceliyey arintaa isagoo ku yidhi “sharcigaa aad sheegaysaan dalalkiina ku xukuma”. Xaqiiqdii hadal gar ah weeye hadalkaa wasiirku.
Xilligii Qurayshii eryanaysay Rasuulka CSW ee uu u sii jeeday magaalada Madiina, ayaa waxa dhacday in god Rasuulka CSW iyo Abu Bakar Rc ay ku dhumanayeen soo dul istaagaan kuwi eryanayey, dabadeed Abu Bakar Rc ayaa ku yidhi Rasuulka CSW “midkood haddu gomadihiisa eego wuu ina arkaya”, Rasuulkuna CSW wuxu ugu jawaabay “maxaad u malayn laba uu Alle saddexaynayo”. Rasuulku CSW ma odhan Nabi iyo kii ugu hor rumeyey ee wuxu yidhi ’laba’. Culimadu waxa ay yidhaahdaan cid kasta oo xaq ku socota Alle SWT ha ogaadan inu la jiro.
Yurub waa dalal ka tagay diinti ay ab sheeganayeen, markii kuwi Kiniisadaha u fadhiyey mashaaricaysteen diinti, ee ay isku qaban wayday diintii maalin ba dhan loo rarayey iyo la jaan hayntii waayahoodu. Ogobey xilligaa ay diintooda ka hadlayeen waa goor Islaamku dunida hadheyey oo la lahaa waar tan soo wada gala tanaa xilli iyo muddo lahayno wakhti walba iyo waayo kasta la jaan haynayse, ayey dan moodeen gebi ahaanba inay xooraan diintoodi.
Isla goortaa reer Yurub waxa ka aloosna dagaalo u dhexeyey gudahooga, dagaladaas oo lib tiray, dunidii kale na ka reebay. Markii in muddo ay is jafayeen ayaa waxa ay xal ka dhigteen in lays nabad geliyo. Qolo kastana danahooga khaaseed u go’do. Waxa ay samaysteen shuruuc ka turjumaysay baahiyahooga gaar ahaaneed. Kuma ayna dhisnayn diin haba ahaato ta ay ku andacoodaan inay haystaane. Doodahoogi is wareejinayey midhihi ka soo go’ay ayaa sharci u noqday.
Waagi wakhtigu saaciday ee dunidi madoobayn iyo baar-casihi ba ku soo durduriyeen iyagoo gumaysanaya maankooga, dhuranaya hantidooda, u soo waaridaya sharci iyo is xukunkoogi ay uga dhigeen badhaadhe dunida hiigsiga leh lagu gaadho. Markii gumaystayaashi dhulkoodi ku noqdeen, waxa tagay un ninkii cadda se wuxu la yimi sidii buu ahaa; is xukunkii waa ku ka tagay, cidda maamulka joogta waa ku sii carbistay, xariiqa horumarineedna waa ku sii bidhaamiyey.
cid kasta oo dhabadu jeexay ka leexsanta wuxu ugu yeedhay ‘falaago’. Kuwaas oo ka hor imanaya shuruucdii caalamiga ahayd. Oo waa maxay shuruucda caalamiga ahi? Waa sidu u kala baxay in loo kala baxo, wadadu xariiqay in sideeda loo raaco. Cidda taa ka hor timadana waa falaago dunida qas ku soo wadda.
Dawladihii Islaamka ahaa oo horjogayaashodu ahayeen la carbistayaashi ayaa sare iyo hoos ba qaaday dhabadii gumaystaha. Taaso ay u arkayeen xalka kali ah ee u ku sii joogi karaan kursigooda. Intooda badani waxa ay ka tanasuleen diinti, iyagoo kursi jeclaysi hayo. Haa way ka tanasuleen, oo maanad xusuusan hadaladii iyo ficiladii Maxamed Siyaad Barre oo tusaale inoogu filan inaga.
Goni u gososhadeeni waxa aynu axdi qarameedkii ku xusnay in wixi shareecada Islaamka ka hor imanaya aanu wafaqsanayn axdi qarameedka Soomaaliland. Sidoo kale markii aynu samaysanay dastuurka isna qodobada ugu horeeya waxa ku yaal wixi shareecada ka hor imanaya in gidaarka lagu dhufanayo.
Haddaba Qisaastu waa mid ka mid ah waajibyada Alle SWT korkeena saaray, oo haddii la falsafadeeyo noqonayso mid mar dambe la qomameeyo. cid kasta oo ka maagistaa fulisana Alle SWT la xisaabtami doono maalintu ifka ka tago. Labadii xukumadood ee u horeyey waxa la xusuusta in la fulin jiray Qisaasta, se mar dambe ay qaloocsantay iyadoo siyaalo kala gedisan loogu faruuryo xidho.
Alle SWT waxa uu leeyahay “qisaasta nolol baa idinku jirta”. U fiirso aayadda micnaha mugga ah ee ay bixinayso. Nolol baa idinku jirta: haddii qofkii qof kale ku gafa ee iin u sameeya: sharaftiisa meel kaga dhaca. Gacan, il, lug, dheg amase naftaba gooya aan looga jarin maxa dhici kara, waxa dhici kara; waxa dunidaa galbeed maantaba ka jira. In aan goynta nafta ina Aadan aanay micno ba lahaan.
Iskadaa naf la gooye Rasuulku CSW wuxu diiday in layska nixiyo “uma banana qof imaan sheeganaya inu argagax geliyo walaalkii”. Marka xadiiska culimadu sharaxayso waxa ay yidhaahdaan “waa in qofka oo iska baraad la’ intaaad xagga dambe kaga timaado ku qayliso ama taabato ba”. Waa xurmo loo muujinayo qofka, se haddii lagu dhugto ba noloshiisa maaha mid laga faa’iidi doono oo waa mid amni xumo soo wada.
Alle SWT hayno sahlee waxa intii u dambaysay magaalada ku soo batay dhalinyaro balwaddu u gaysay inay dadka dhacaan, si kasta oo ay u dhacayaana sameeya; haddii ay nafta qofka ay dhacayaan goyn karaan uma aabo yeelan, oo maaha mid aynu maanta isku sharaxayno oo waa xaqiiqo ayu aragnay. Haddaba si aynu taa uga badbaadno oo inamo yaryar oo aan garanayn xurmada qofka aynu isku soo baxsano waa in xadadka sharcigu inoo jideeyey ku dhaqanna.
Faa’idada qisaastu waa dadkoo kala nabad hela; sababta u wayn ee Islaamku u soo dejiyey Xuduuddu waa in dadku yeeshan kal cabsata. Waayo dadku isku imaan maaha xadaynaya, mid baa dambiga ag maristiisu dhibta, halka ka kalana uu ka dhaadan yahay ba. Markaa waa xayndaab falkiisa dib u dhigaya Xadku. Inta lagu dhiiranayo hir galintiisu waa inta dhulku nabdoonaanayo. Haddi laga maagana waa la qomamayn un.