Hargeysa (Hubaal) iyadoo la galay xili roobaadkii oo nimcooyinkii Illaahay inoo shubay ayaa loo baahan yahay ka hor tag dhanka daadadka biyaha ee roobku keenayo,sidaa daraadeed ayaa waxa ay dawladda hoose ee Hargeysa oo uu hormood u yahay maayirka caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ka bilaabeen caasimada Hargeysa olole lagu baneenayo meelaha biyo mareenada ah oo loo sii banaynayo roobabkii Gu’ga oo dalka si rasmi ah uga curtay,isla markaana si looga hor tago biyo iyo daadad ku fataha wadooyinka magaaladda .
Ololahan maanta ka bilaabmay magaaladda Hargeysa ayaa waxa faahfaahin ka bixiyay agaasimaha waaxda arrimaha bulshada iyo bilicda caasimada Khadar Yuusuf Cali