Hargeysa(Hubaal) Wasiirkii Hore ee wasaarada Gancsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa sharaxay xil dhawaan ay siwada jir ah ugu magacaabeen Midawga Yurub iyo Midawga Africa.
Waxa uu sheegay in isaga iyo Khubaro kale oo uu ku jiraa xallin doonaan Mushkiladaha dhanka Militariga,siyaasada iyo amaan darada ah ee ka jira meelo badan oo Africa ah.
“Sida laga war-qabo waxaa meelo badan oo Africa ah ka jira Qalalaase Siyaas ah, Mid Militari iyo Colaado dhanka amniga iyo siyaada ah.markaa aniga iyo khuburo kale ayaa loo xil saaray sidii si amni ah oo nabad galyo leh oo ay ka muuqato in Xal siyaasi ah loo heli karo loogu dhamaysiri lahaa Mushkiladaha Siyaasadeed ee ka jira Meelo badan oo Africa ah.” Ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Sidoo kale Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu ka hadlay u jeedada kulan uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo “Intii aan joogay waxaan kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland oo sida laga warqabo wada shaqayn dheeri naga dhexaysay, imikase shaqadaydan cusub darteed ayaan Madaxweynaha ula Kulmay, si aanu Afkaarihiisa wax uga waydiino.Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ka mid yahay Odayaasha Africa siiba Mandaqadan Geeska Africa, talo iyo arin ayaa laga waydiinayay sidii uu mushkiladaha Mandaqadan ka jira talo uga dhiiban lahaa”
Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu sheegay in Dunidu ka aaminsan tahay Somaliland dal nabadgalyo samaystay,dimuqraadiyad hirgaliyay islamarkaana nabad iyo deris wanaag kula dhaqma wadamada jaarka ah iyo dunida inteeda kale.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN “Dunidu Waxay Somaliland Ka Aaminsan Tahay Dal Nabadgalyo Samaystay, Dimuqraadiyad Hirgaliyay Nabad...