Washington(Hubaal) -Dr Edna Aadan Ismaaciil, ayaa sheegtay in Somaliland wadamo badan oo dunida ahi wax ka baran karaan. Marwo Edna Aadan ayaa qodobadaasi ka xustay sida Somaliland uga soo kabatay Wakhtiyadii hore oo aan hablaha loo Ogolayn waxbarashada iyo dedaalada lagu yareeyay dhimashada Caruurta.
Dr Edna oo Khudbad ka jeedisay Munaasibad Arday Boqol waddan ka kala socotay kaga qalin jabinaysay Jaamacadda Walden ee dalka Maraykanka oo furitaankeeda lagu marti qaaday ayay halkaasi uga jeedisay ardayda muhiimada waxbarashada iyo sida hamiga looga midho dhalin karo.
Arrimaha Marwo Edna Aadan kala hadashay Ardayda waxaa ka mid ahaa Somaliland iyo waxbarashadeeda oo ay tusaale ugu soo qaadatay hadaladan “Waxaan filayaa in la idnka sugayo sidaad u dabakhi lahaydeen aqoontii aad jaamacadda ku barateen, taas oo ah inaad ku guulaysataan, bulshadiinuna inka rajaynayso. Aan idiinka sheekeeyo khibraddii aan soo maray oo wax badan idiin kordhinaysa,aan ku bilaabo waxbarashadaydii,Aduunka waxaa jira wadamo waxbarashada aan nasiib u wada helin dadku, waliba hablaha.
Anigu waxaan ku dhashay maxmiyaddii Somaliland oo lahayn dugsiyo waxbarasho hablaha,waalidkuna jeclaayeen in Habluhu aqalka uga shaqeeyaan,balse waxaan nasiib u yeeshay inaan helo Aabbe igu dhiirigeliya waxbarashda.wuxuu aqalkayaga ka sameeyay goob ardayda jaarkayagu wax ku bartaan, aniguna halkaas ayaan ku bilaabay wax akhriska iyo qorida.Inkasta oo wiilashu iga sarreeyeen, waxaan ku khasbanaaday inaan la qabsado, waana goobtii aan qoritaanka iyo akhriska ku bilaabay.
Intaas ka dib waxaa lay diray Jabuuti oo luuqada Faransiisku koowaad ahayd,tartankaa aan la galay wiilasha iyo u tegitaankii dalk kale waxbarasho waxay ii sahashay inaan jeclaado waxbarashada.waxbarashadii waxaan Nasiib u helay inaan Ingiriiska deeq waxbarasho ka helay,waxaan noqday gabadhii keliya ee Soomaali ah ee waxbaranaysay,waxaan noqday gabadhii koowaad ee qaarada afrika iyo Soomaaliba shaqo ka heshay Hay’adda Caafimaadka Aduunka.
Waxaan noqday gabadhii ugu horaysay ee ku dhalatay dal aan hablaha loo ogolayn waxbarashada ee waxbaratay heerkaasna gaadhay.waxaan waxbarashada dalkayga u socdaalay anigoo ah wasiirka arrimaha dibadda iyo anigoo Shacab ahba,waana sababta aan u hirgaliyay dhakhtarka Hargeysa oo dhamaan daafaha geeska Africa looga yimaado.waxaan ka hirgaliyay meel hore u ahaan jirtay meel dadka lagu dilo.13 sanno kadib Dhakhtarkii wuxuu noqday goob waxbarasho, sababtoo ah waxbarashadu waa Hadiyad aan doonayo inaan uga tago dadkayga.haddii Somaliland tahay dal aan khariidadiina ku ool, haddana waxaan hoos u dhignay heerka dhimashada caruurta,waxaanan qabaa in waddamo badan oo caalamk ahi kaga dayan karaan.inaad u dagaalantid waxaad aaminsantahay waa waxa aan maanta halkan u joogo”
source:ramaasnews