Dowladda Somalia Oo La Wareegtay Huteelo Ku Yaalla Muqdisho + Sarkaal Sare Oo Al-Shabaab Ka Tirsan Oo La Qabtay

0
28

Muqdisho: (Hubaal) Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ayaa maanta albaabada u laabay Laba Hoteel oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa-bakaaraha.

Hoteelada ay xidheen Ciidamadu ayaa waxa ay kala yihiin Kismaayo 1 iyo Kismaayo 2, kuwaasi oo ku dhexyaalla Suuqa weyn ee Bakaaraha.

warfaafinta muqdishoInta ay Ciidamadu ku guda jireen Howshooda ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Alshabaab kaasi oo la sheegay inuu ahaa Taargeet-ka Hoteelka loo wajahay.

Afhahayeenka Wasaaradda Ammniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Sarkaalka laga dhex qabtay gudaha Hoteelka.

“Mudo labo Bil ayuu daganaa halkaan Ninka la qabtay, waxa uu ka yimid Xeryaha Qaxootiga Kenya” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Ammniga.

Waxaa sidoo kale Ciidamada Nabad Sugidda ay Xabsiga Dhigeen Mulkilihii Hotelka iyagoona la Wareegay Labo Hotel oo kala ah Kismaayo1 iyo Kismaayo 2.

Howllgalka Ciidamada ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ayaa sidoo kale lagu qabtay ku dhawaad 100 Dhalinyaro ah kuwaasi oo baaritaano ay ku socdaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Labadaasi Hoteel ay la wareegtay Dowlada islamarkaana raga howlgalka lagu qabtay ay mari doonaan wadadii lagu kala saaraayay ee sharciga Qaranka ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here