Diinta Iyo Nolosha: Geerida Ayaa Waano Kugu Filan- Qalinkii: Sheikh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

0
201

Mahad Alle SWT ka dib qof kasta oo inaga mid ahi waxa u ogson yahay in maalin maalmaha ka mid ah u ifka ka tagi doono. Tagi doonana gurigiisi dhabta ah. Waxa is badali doona magacisa, hugisa iyo hoygiisa. Magacisu mayd ayuu noqon doona, hugisuna kafan ayuu ahaan doona, hoygiisuna xabaal ayuu isku badali doona, hantidisuna dhaxal lala wareego ayey noqon doonta.

rakuubAsxaabigi Cumer Ibnu Khadaab Rc waxa ka sugan inu yidhi “dadyahow nafihiina xisaabiya inta aan laydin xisaabin”. Run ahaanti hadalka Ibnu Khadaab Rc waa xikmad mudan in dheg loo yeesho waxna lagu qaato. Oo qofku hadduu naftiisa xisaabiyo waxa imanaysa inu dambigu sameyey ka tobad keeno. Rasuulka CSW waxa ka sugan inu yidhi “walaahi maalinti iyo habenki waxaan Alle SWT u tobad keena in ka badan todobaatan jeer”. Billaahi calayk is waydi dambiga Rasuulku CSW ka tobad keenayey isago la dhaafay dambigiis hore iyo kiisi dambaba, hadana maalinti leeyahay intaasan u tobad keena Alle SWT, maanay adiga intaasi wax ku qaadasho kugu filnayn.

Rasuulka CSW waxa ka sugan inu yidhi “waxa aad had iyo goor xusuusatan ta macaanka jarta oo ah geerida”. Rasuulku CSW si cad ayuu inoogu sheegay in geeridu macaanka iyo raaxada jarayso, oo qofkii wax isku habaysanayey ee himilo iyo higsi dheer lahaa laga goynayo sida Rabi SWT leeyahay “markay timaado ajashoodu saacadna loguma daro saacadna lagama jaro”. marka inaad ahaato mid mar walba diyaar ah oo aan is dhiganayn, liibaantiisa aakhiro ayaa ku jirta. Rasuulku miyaanu odhan aduunka kuma ihi mid safar ku jira mooye. Markaa aduu xageed isku idhan.

Alle SWT wuxu yidhi “Naf waliba waxay dhadhaminaysaa geerida, maalinta qiyaamana qof waliba wixii camal ah ee uu la yimi ayaanu siinaynaa, qofkii laga dheereeyo naarta janadana la geliyo wuu liibaanay, nolosha aduunyaduna waa nolol wax kadisa”.

Waxa lasoo mariyey Rasuulka mayd, dabadeed wuxu yidhi ”walaalahayow taas oo kale u diyaar garooba (geerida)”. Geeridaa oo kale u diyaar garooba maalinta ay idinkana idinku habsan doonto, ee camalkiina la jari doono weeye.

Waxaas oo nas ah waxaynu u keenayna inaynu noqono qaar waan toba waxay samaynayana xisaabiya iyagu, ileen maalin ayaa dhici doonta lagu odhan doono waa kan’e eeg dhiganahaagi/buuggagi, dabadeed ku kastoo is dhigtay odhan doono “muxu ahaaday kitaabkani, ee aan ka tegayn wax yar iyo wax weyn toona ee koobay”. Alle SWT ayaa suuradda la yidhaa Kahf, kaga waramay qoladaa calacalaysa, ee maalinta walalayaal aynu u diyaar garowno.

Alle SWT waxa uu ka waramay laba qof oo qiyaamaha la siyey abaalkoodi (ogow qof kasta labadaa mid un ayuu noqonayaaye) dabadeed midi wuu ku farxay, kii kalana cabaadkiisi ayaa ka dhamaaday, ee eeg suuraddu sida ay uga hadashay.

Alle SWT wuxu yidhi “qofka aanu ka siino kitaabkiisa (abaalkiisa) gacanta midig, wuxu odhan doona waar akhriya kitaabkayga, waan filayey in aan heli doono xisaabtane. Waxa uu ku sugan yahay nolol raali laga yahay”. Waa qofkii aakhir liibaaney kaasi, waana ka aynu isku dardarayno inaynu noqono, haa waxa aynu wadada iyo abaalkaa ku helayna waa dadaal.

Alle SWT isagoo ka waramaya kii labaadna wuxu yidhi “kase aanu kitaabkisa (abaalkiisa)ka siino gacanta bidix, wuxu odhan doona, waar hoogaygee maan laysiiyeenba (macnaha maxa layga dhigi waayey mid aan la siinba) maan lay ogaysiiyeenba (maan ahaado mid aan la ogaysiinba) xisaabtayda”. Kaasina waa mid guul daraystay oo la cataabaya hooga iyo abaal xumada sugaysa.

Waxa la waydiyey Rasuulka CSW qofka dadka ugu caqliga badan wuxuna yidhi “dadka had iyo goor xusuusta geerida, una diyaar garooba”. Allahu akbar wtaa caqli badnaan ah, halka maanta inagu markaynu joogno xabaalaha inyarna aynaan is badalin inyarna aynaan is odhan taasi way ku sugaysa ee xan been iyo hadal badnaan aynu la tagno.

Walalayaal waxan gun iyo gunaanad kaga tagaya inaynu ahaano qaar in badan xusuusnaada geerida.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here