HALKAN KA AKHRI: “Dhurwaa Qoorta Ku Sitay Tusbax Muqumad Xoolaad Ka Samaysan Oo Salaad Tukiyey Ido”
-W/Q: Muj. Cali Cismaan Libaax [Cali-Xaraaro]
Xilli barwaaqo ah oo tigaadda aad yaabayso ayaa Adhi fara badan oo si fiican u daaqaya waxa kusoo baxay dhurwaa tukanaya salaad casar, ka dibna adhigii ayaa is eegey oo yaabay, dabeeto qoor madowdii [Idihii] ayaa geesleydii [ri’yihii] ku yidhi ‘Innaguna aynu salaadaa casar ee dhurwaagu tukanayo ku xidhano’, kadib ri’yihii ayaa ku gacan saydhay dalabkii idaha, kute ‘hadduu tukanayo iyo haddii kaleba annagu dhurwaaga salad ku xidhan maynee idinku orda ku xidha”. Intaas markay ri’yuhu yidhaahdeen ayay iska dhaqaaqeen iyaga oo u jeestay dhinacii keyntu ka xigtay, Idihiina dhurwaagii ayay salaadii ku xidheen.
Kadib Maxaa Dhacay!!!?