Hargeysa (Hubaal) Hawgalo ciidanka boolisku gelinkii dambe ilaa habeenimadkii caawa uu ka fuliyay degmooyinka caasimada Hargeysa,gaar ahaan xaafadaha koonfurta magaaladda Hargeysa,kuwaas oo ciidanku ku xidh-xidhayay dhalinyaro is kooxaysata oo xaafadahaasi ka samaysa rabshado xiliyada habeenkii.
Hawlgalkan ciidanku ku qaaday xaafadahaas ayaa inta la ogyahay waxa ku dhintay hal qof,mid kalena wuu ku dhaawacmay,ka dib markii ciidanka boliisku ay rasaas hoos ugu rideen dhalinyaro ay goobahaas ka qab-qabanayeen.
Dhimashada wiilka ka dib Waxaa bilaabmay mudaharaado rabshado isu rogay oo laga sameeyay xaafadaha Koonfurta Hargeysa.
Waxaa dhaawacyo kala duwani soo gaadheen qaar ka mid ah ciidanka boliiska,halka khasaare la gaadhsiiyay gaadiid shicib.
Laamaha ammaanka ayaa ka shiray Dhalinyarada koox-kooxaha u duula habeenkii.
Af-hayeenka boliiska gaashaanle Cabdilaahi Xasan faarax oo u waramay Tifaftiraha wargeyska Somalilandtoday Cabdiqaadir A.Carab ayaa sheegay in rasaas ciidanku rideen uu ku geeriyooday wiil dhalinyar ah,halka uu mid kalena ku dhaawacmay,waxaanu tilmaamay inay arrintani timi is-difaac uu ciidanku ka galay weerar dhagax loo adeegsaday oo dhalinyaradani kala hor timid boliiska
Guji halkan si aad u dhageysato wareysiga oo dhan