Dhacdadii Faransiiska Gilgishay!  W/Q. Maxamed Siciid Cabdi “Shaakir”

0
31

 

 

Maalin maalmaha ka mid ah anigoo dhex mushaaxaya aaladda internetka ee ay maanta uummiyuhu wax isku waydaarsadaan ayaan isha la helay sheeko gaaban se mug

wayn leh, runtiina i soo jiidatay. Waxa ciwaan looga dhigay ‘’Dhacdadii Faransiiska Gilgishay’’ af Carbeed ayay ku qornayd, kadibna waxan qalinka u qaatay bal inaan sida ugu fudud luuqadeenna ugu turjumo.

Waxay ahayd 1930 xilli uu Faransiisku ka abaabulayay xaflado waawayn waddanka Jasaa’ir kuwaas oo uu ugu dabbaal dagayo 100-guuradii ka soo wareegtay goortii uu xoog ku qabsaday waddanka jazaa’ir.

photoIsaga oo walaalihiisa reer galbeedka u sheegay inay xafladdani tahay Geeridii Islaamka, iyo inay reer Jasaa’ir noqdeen qaar is dhiibay isla markaana oggolaaday oo u dabacsan isku milanka labada ummadood, waa ta la haysto oo Jasaa’ir ah iyo ta wax haysata oo Faransiiska ahe.

Haddaba si uu arrintaas caddaymo la taaban karo ugu helo ayuu soo ururiyay hablo Jasaa’iriyiin ah oo uu ka hawl galay siduu dhaqankiisa ugu kallifi lahaa inay qaataan kadibna uu madasha ku soo bandhigo oo loo arko wixii uu sheegayay inay dhab yihiin. Wuxuuna arrintaa u wakiishay nin diinta masiixiga ku xeel dheeraa oo la odhan jiray Lakoosti.

Xafladda waxa lagu marti qaaday wakiillo ka socda gumaystayaasha kale ee reer Yurub ee haysta dhulalka Carabta, si ay u qaataan aragtida Faransiiska ee ku wajahan Jasaa’irtan cusub ee uu sameeyay Faransiisku oo ay ugu dabbaqaan goobaha ay haysteen ee Islaamka ah. Masrax wayn oo aad loo abaabulay ayaa dadkii la iskugu soo ururiyay iyada oo la dhawrayo waxa meesha ka dhici doona. Muddo kooban kadib ayaa meesha waxa ka dhacay oo soo muuqday sawir aanu filanayn oo ah dumarku ugu talo-galay iyaga oo Faransiis la moodo inay soo baxaan ayaa iyaga oo xijaaban una labbisan dharkii Muslimiinta meesha soo maray!

Arrintaasi oo buuq iyo sawaxan ka dhalisay warbaahinta Faransiiska iyo dawladihii kale iyaga oo is waydiinaya muddada halkaa qarni ahayd wuxuu qabanayay Faransiisku mar hadday wali dadkii rer Jazaa’ir diintoodii haystaan?

Haddaba Lakoost markii su’aashaas la waydiiyay ayuu ku jawaabay weedhiisii caanka noqotay ee ahayd: “Maxaan sameeyaa hadduu Qur’aanku ka awood badan yahay Faransiiska!”

Maxamed Siciid Cabdi “Shaakir”

Email:moeshakir@live.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here