DEG-DEG:- Siyaasiga Fu’aad Aadan Cadde Oo Goor Dhawayd Ka Hadlay Wararka Laga Baahiyey Inuu Somaliland Ka Goostay Oo Uu Puntland Galay. HUBAAL KA AKHRI Waraysiga Fu’aad

0
30

Xuddun(Hubaal):- La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha gobolada bari Fu’aad Aadan Cadde,ayaa ka hadlay warar lagu sheegay in uu u  galay  Puntland isla markaana uu ka goostay Somaliland. Fu’aad Aadan Cadde oo ku sugan miyiga degmada Xuddun ee gobolka Sool  waxa uu ka hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in Fu’aad Aadan Cadde uu u  tegay  dhanka Maamul goboleedka Puntland kana goostay Somaliland maalin ka dib markii lagu soo dhaweeyay Puntland Axmed Cabdi Xaabsade ooh ore u ahaa Wasiirkii Hawlaha Guud ee Somaliland laakiin xil ka qaadistiisa ka dib ka baxay Somaliland,ayaa ku jawaabay.

fuaad“Horta imika waxaan ku suganahay miyigii oo reerkii ayaan la joogaa iyo odayaashii laakiin warkaa imika ka hadli maayo.” Fu’aad Aadan Cadde oo aanu mar labaad weydiinay imika waxa uu kaga jawaabayo in uu Puntland u galay kana tegay Somaliland oo warbaahintu qortay,ayaa mar kale ku celiyay. “Waxaan hadda arrintaa ka odhanayaa ma jirto laakiin mar kale ayaan ka hadlayaa.”

Fu’aad  oo aanu mar kale waydiinay in uu Somaliland siyaasiyan quus uga taagan yahay waxna diidan yahay ayaa mar kale ku adkaystay. “Taana ka hadli maayo laakiin arrintaa warkeeda dib ayaan ka sheegi doonaa.”

Fu’aad Aadan Cadde oo lagu yaqaanay hadal caddaan iyo in aanu hadalka la gabban oo waxa uu diidan yahay mar walba ka hadla,ayaan arrintn sidii lagu yaqaanay aan uga hadal isla markaana in uu goostay  oo uu Puntland galay iyo in uu Somalilandtii uu aaminsanaa ku adagyahay midnaba aan sheegin.

Hadalka maldahan ee uu kaga jawaabayFu’aad Aadan Cadde  weydiinta su,aashan,ayaa u muuqata mid ku lammaan mawqif siyaasadeed oo wali aanu diirka ka qaadin isla markaana soo bixi doona maal maha soo socda waxaanse la garanayn in uu ku adkaysan doono mawqifkiisii Somalilanderka ahaa iyo in uu u huleeli doono dhanka Puntland taasina waxy caddaan doontaa wakhtiyada soo socda sida uu fu’aad sheegay.

Halkan Ku Dhufo Si Aad Uga Bogato Waraysiga Fu’aad Aadan Cadde

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here