Deg Deg: Guddoomiyihii Iyo Tafatirihii Wargeyska Haatuf Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
58

Hargeysa(Hubaal) -Waxa goor-dhaweyd ay Ciiddamadda Boolisku Xisbiga u taxaabeen Guddoomiyihii Wargeyska madaxbanaan ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirhii Wargeyskaasi Axmed Cali Cigge.

Haatuf group

Masuuliyiintan Xisbiga loo taxaabay ee Wargeyska Haatuf ayaa maanta loo balan-sanaa in dacwadda loo haysto ay ka  bilaaban-to Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo loo muddeeyay maanta, balse Ciiddamadda Booliska ayaa ku war-geliyay inay xidhan-yihiin.

Wargeyska Haatuf ayaa muddaddii aan la xayirin waxa uu baahiyay Fadeexad Musuq-maasuq oo uu Wargeysku sheegay in ay faraha kula jireen  Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wiil uu Madaxweyne Siilaanyo Sodog u yahay oo lagu magacaabo Baashe Cali Xaaji Cumar.

Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa ku sifawday inay tahay Xukuumaddii ugu darnayd dhinaca Madax-bannaanida Warbaahinta xorta ah ee Somaliland soo marta 23-ka sano ee ay goonida uga taagnayd Somaliland dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Waxaanay Xukuumadda Siilaanyo caadaysatay xadhigga, garaacista, hanjabaadda, caga-juglaynta, ku tacaddiga Saxaafadda madaxa-bannaan iyo xayiraadda Xarumaha Warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka ka hawlgala.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here