“Daynta Xad-dhaafka ah ee La Wareejiyay iyo Mashaariicda Maqan ee Miisaaniyada ku Jiray ee Lacagtoodii Lala Baxayna La Fulin,Waxaa Masuuliyadeeda Leh Xoghayaha D/hoose” Adan Wali

0
125

Gabiley (Hubaal News):- Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Gabiley iyo siyaasiin kale ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Gabiley, xukuumada Somaliland iyo Wasaarada Arimaha gudaha baaq ugu diray isla markaana ka codsaday in laga bedelo xoghayaha Dawlada Hoose ee degmada Gabiley oo ay ku eedeeyeen inuu fashiliyo maayar kasta oo la  keeno Dawlada Hoose, musuqmaasuq baahsan iyo hanta lunsi joogto ah.

golaha degaanka gabileyXildhibaan C/casiis C/laahi Ismaaciil, Xildhibaan Cabdi-xabiib Ciidle Cali iyo Aadan Wali ayaa dhamaantood iska daba-maray in aanay ogolayn in xoghayaha dawlada hoose lasii shaqeeyo golohooda iyo maayarka cusub ee dhawaanta loo doortay degmadaasi, iyagoo carabka ku adkeeyay inuu isagu galiyay maayarkii hore daynta xad-dhaafka ah ee uu wareejiyay, iyagoo qiray in Gabiley waxa laga qabtay ay ka badan tahay lacagta soo gashaa oo dayn iska daayee ay degmadu dayn ku yeelan lahayd dalka haddii dhaqaalahaasi sidiisa loo maamulo, xoghayuhuna yahay maamulka ugu sareeya ee shaqaalaha fulinta dawlada hoose ee xukuumada dhexe.

Xildhibaan C/casiis oo ka mid ahaa xildhibaanadaasi shirka jaraa,id qabtay ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaanu leenahay waa in laga saaraa oo meesha uu ka baxaa xoghayaha fulinta Dawlada Hoose ee Gabiley. Waxaan ugu baaqaynaa xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasaarada Arimaha Gudaha, haddii ay Gabiley wanaag ka doonayaan waxaanu leenahay haddaad doonaysaan in inankaa dhalinyarta ah, aqoonta iyo kartida leh ee maayarka noqday uu shaqeeyo, waxaanu ku adkaynaynaa in laga qabto xoghayaha. Ninka loo haysto inuu shaqadii xoghayenimada qabto waa ninka ka shaqeeya xumaanta, musuqa, tuuga iyo dhaca hantida shacabka Gabiley. Waxaanu leenahay ninkaa halaga qabto si ay meeshu xalaal u noqoto, nadiiq u noqoto. Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu la shaqaynayno maayarka cusub oo barbar taaganahay.”

Xildhibaan Cabdi Ciidle Cali ayaa isaguna cadeeyay in xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley shaqadiisii shaqo aan ahayn yahay, waxaanu yidhi “Shaqada sharciga ah ee loo dirtay waxay ahayd inuu ka shaqeeyo siduu u maamuli lahaa ee uu iskugu dheeli tiri lahaa dakhliga la filayo inuu degmada soo galo iyo kharashaadka iyo maalgashiyada Dawlada Hoose samaynayo ee wax alla wax uu ninkaasi ka shaqeeyo ma garanayno. Waxaanu shaqaynaynay hadda mudo labo sanadood ah, Dawlada Hoose-na ma jirto sanad aanay ku iman hoos u dhac dhaqaale oo markasta kharashka ayaa ka badan waxa nasoo gala, taasina waxaa masuuliyadeeda leh xoghayaha Dawlada Hoose. Xoghayaha Dawada Hoose wuxuu ka shaqaynayaa siduu uu u fashilin lahaa golaha deegaanka iyo maayarka oo uu markasta ka shaqeeyaa. Waxaanu ka codsanaynaa xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in la keeno xoghaye cusub oo aqoon iyo karti leh si la iskula jaanqaado oo loo galo jawi cusub oo horumarineed.

“Dayntaa la wareejiyay ee qayrul caadiga ah iyo mashaariicda kale ee miisaaniyada ku jirtay ee lacagtoodii lala baxay ee aan lafulinba waxaa masuuliyadeeda leh xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley oo fashiliyay. Maayarka cusub ee hadda la doortay waa kii shanaad ee ay Dawlada Hoose iskugu yimaadeen, midkastana markuu dhex fadhiisiyo ayuunbaa la bedelaa.” Sidana waxaa yidhi siyaasiga da’ada yar ee Aadan Wali.

Xoghayaha Dawlada Hoose ee degmada Gabiley ayaa caadaystay musuqmaasuqa iyo hanti lunsi tan iyo intii uu xilka Dawlada Hoose la wareegay, iyadoo xukuumaduna aanay dhagba jalaq u siin shacabka danyarta ah ee maalin iyo habeen cashada usoo mariya madaxwaynaha warbaahinta, iyadoo wakhtiyada qaarna lagu eedeeyay inuu isticmaalay miisaaniyad qoraal ah oo ka duwan tii sharciga ahayd ee golaha deegaanku ansixiyeen. Miisaaniyadihii sanadihii 2013-kii iyo 2014-kii ayaan lahayn mashaariic waa wayn oo ay ku jireen dhismayaal saldhig boolis iyo cusbitaal loo dhisayo magaalada Kalabaydh oo lacagtooda lala baxay labada sanadoodba, taasi oo dadka reer Gabiley iyo Kalabaydh u  haystaan in lagu bedelay guryo Hargaysa ka dhisan oo ay leeyihiin xoghayaha Dawlada Hoose iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arimaha Guduhu leeyihiin oo lagu bedelay saldhigyadii iyo dhakhtaradii loo dhisi lahaa magaalada Kalabaydh.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here