Danta Guud Dhammee oo Dadkaaga kici, Waa Damiir la’aan! Qalinkii: Dr.Mohamed-Culimo

0
62

“Hantida qaranka: Ka iibiyaa kama kaco, ka iibsadaana kuma farxo”

Dr.Mohamed-Culimo, mculimo@yahoo.com

Dr.Culimo-41Qodobka 12aad ee dastuurka JSL ee ka hadlaya ilaalinta hantida qaranka iyo khayraadka dabiiciga ah oo odhanaya,” Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaafta iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta” ayaa muwaadiniinta waajib kaga dhigaya ilaalinta hantida qaranka.

Hantida qaranku waxay ka dhaxaysaa inta dalka wada leh oo dhan. Waxaa dadkaa ka mid ah dadka qaba xanuunadda maskaxda ee iyaga oo qaawan suuqyadda cadceedu ku gubtay. Waxaa ka mid ah hooyooyinka bacadka wadhan ee mararka qaarna umul aroora ama u geeriyooda xanaano la aan. Waxaa ka mid ah inta gaajadda la saaxiibtay ee dooxyadda jiifa ee aan helin daryeelkii ay xaqa u lahaayeen.

Maanso uu abwaan Xassan-Weedhsame tiriyey ayaa waxaa ku jiray:

“Kuwa duubka kuu xidhay, qaarbaan dab loo shidin”.

Ilaahaybaan idinku dhaariyee ma hantida dadkaas ka dhaxaysa ayaa lagu badbaadayaa?. Umalayn maayo in ka iibiya ee si khaldan u maamulaa uu ka kacayo. Ka iibsadaana xoolihiisa ayuu xaaraan ku milixeeyay, kuna farxi maayo iibkeeda. Waxaa suurto gal ah inay noqoto wixii u dambeeyay ee ay iibsadaan. Ilaahay waxba kuma aha in iyaga oo nool ay leeleelaan oo ay doorsoomaan dadka hantida guud ka ceeshay.

Maansaddii Garba-Diir ee Axmed Aw Geedi waxaa ku jiray,

“Nin khiyaamay doorsoon,

Ninka deyriyaa eed,

Ninka dumiyey leeleel”.

Waan run oo hantida ma guurtada ah ee qaranka iyo hantida guudba waxaa ka masuul ah dawlada, waxaase leh shacabka iyo umadda. Xukuumaddu way iibin kartaa hantidaas haddii loo maro dariiq sax ah, dadkana lagu qanciyo waxa loogu badalayo dantaas guud ama hantidaas ma guurtada ah. In meelaha qaar la iibiyaa waa xishood daro, waana xaqdhawr la aan loo geysanayo muwaadiniinta.

Wali miyaad maqasheen meel la leeyahay waa guri dawladeed oo tartan qandaraas ayaa loo galayaa? Ma qolalka madaw ee dadka lagu siinayo danta guud ayaa wax la eegto ah?. Qofkastaa kaalin ayuu ku leeyahay wadanka hagaajintiisa, kaalinteenuna waa inaynu saxno masuuliyiinta aynu dooranay.

Haddii maanta la is xisaabin waayo, waxaa iman doonta maalin uu qofkastaa Ilaahay hor tagi doono oo la xisaabin doono. Dadka maanta difaacaya boobka hantida umaddu , Ma Ilaahay ayay aakhiro ka difaaci dadka ay maanta difaacayaan?. Miyaanay ahayn in dambiga qofka gala oo kali ah lagu koobo?.

Xassan Saleebaan Dhuxu(laabsalaax) wuxuu yidhi:

“Marna Yaan Go,aan Li,i

Hadba Gees Laguu Wadin

Gadhwadeen laguu Noqon-

Hana Noqon Gar iyo Daw

Ruux Garaadka Loo Sido

Ama Lagu Dan-gaadhoo

Lagu Guuro Waligii”

Qofku wuu difaaci karaa wixii xaq ah hasayeeshee maaha inaad walaalkaa xaqdarro ku kaalmeyso.Maansadii Dirsooc ee Ibraahim Gadhle waxaa ka mid ahaa,

“Xumo xumo ku daahiri, Yaan doodda laga dhigin,

Doqon iyo nin liitiyo, Yaan jaahil lagu dayan,

Dab munaafaq uu shiday, Ayaan daacad lagu gubin,

Dugsi ma leh qabiilkuye, Yaan dallaayad laga dhigan”

Ma ihi maansahan hasayeeshee markii aan arkay dadka qaar oo dulmi falaya iyo qaar dadkeena ka tirsan oo difaacaya ayaan dareenkayga cabiray oo idhi:

“Nin ka doonayoow arag,

Ninka diidawoow maqal:

Danta guud dhammee,

Oo dadkaaga kici,

Waa damiir la aan.

Daalinkana ha daaficin,

Ha ka dhigin dembiilaha nin dedaalayoo mudan

Hana damqin danyarahaa is la doodayee maqan”

Shalay waxaa albaabadda loo laabay Gandi library, maantana xanaadadii hooyadda iyo dhalaanka ee Hargeysa(ee Dr Khaalid loogu magic daray) ayaa la xaraashay oo dhiiladeedii i soo gaadhay. Haddii aan wali la dhamaystirin iibkeedana, waa la qorsheeyay oo suuqa ayaa loogu jiraa. Hadda waa xaruntii hooyooyinku ku umulayeen!.Xanaanooyin la dhiso ayaan filayee, ma xanaanooyin ayaa la iibin ayaan niyadaba galiyey.

Guryihii dawladu lahayd waa gabaabsi. Ma muuqato baahi kalifta in la xaraasho guryaha dawlada oo dhan sababta oo ah waa hantida kaliya ee ma guurtada ah ee ku hadhay gacanta dawladda. Waxaa gacanta loo geliyey ashkhaas gaar ah iyada oo la isticmaalayo qabyaalad, eex, nin jeclaysi iyo sifooyin kale oo aan ahayn dariiq sax ah.

Waxaa kaaga sii daran,dadka guryaha laga saarayaa waa agoomo iyo danyar. Waxaa lagu naasnuujinayaana waa hantiilayaal iyo afmiishaaro. Sharcigeenu ma qabto madaxda iyo masuuliyiinta gabood fala iyo hantiilayaasha.

Waxaa loo adeegsadaa inta masaakiinta ah oo kali ah. Maansaddii Gunaad ee Xassan-Weedhsame waxaa ka mid ahaa:

“ Sharciga geed weyn ka soomay,

Gudmaha yacaygana u haysta ,

Sharciga kii kinida haystay,

U siiyey dan-guud badheedhka”

Ma cadaaladbaa sidaasi? Miyaanay xaq siman muwaadiniintu ku lahayn wadanka?.

Qodobka 8aad ee JSL farqaddiisa 1aad ayaa tilmaamaya sinnaanta muwaadiniinta. Qodobkaasi wuxuu odhanayaa, “Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.”

Maxaa ii damaanad ah in aan cusbitaalka Hargeysa, saldhiga dhexe iyo baankana barri la xaraashin?. Waxaa ka sii daran masaajid, isguul, garoon ciyaareed,goob caafimaad iyo saldhig boolis haddii loo baahdo in la dhiso dadka ayaa dib loo waydiiyaa.

Ma dadkii hantida ilaalin lahaa ayaa laga ilaaliyaa?. Maansadii Ergo ee Macalin Gaarriye waxaa ku ka mid ahaa,

“ Oori weerku ku raagayoo,

Geeridii odaygeedu Afaafkay ku bannaysay,

Ninkii awdi lahaa Isagii fadhataystay,

Yaanu eerso nidhaa?”

Doorashaddii madaxtooyada ee KULMIYE helay balanqaadku wuxuu ahaa in danta guud la ilaasho. Sidaas ayaa loogu codeeyay. Ma dadkii codka siiyey ayaa dambiilayaal ah?.Maya, umalayn maayo. Maansadii Dirsooc ee Ibraahim Gadhle waxaa ka mid ahaa:

“Shaxda kama il-duufine,

Sidaan damacsanaa iyo,

Sida Dooddi yeelaa,

Kala durugsanaatoo,

Deyrtii hillaacdiyo,

Deydo curashadeedii,

Dooggii ku soo baxay,

Diir iyo wax baa cunay,

Xeedhadaan daboolee,

Aan malabka doocaan,

Ugu shubay dadweynaha,

Doqon baa harratiyay”

Waxaan u soo jeedin lahaa ganacsatada in aan maalkooda iyo hantidoodu noqon mid muwaadiniinta masaakiinta ah lagu dulmiyo. Masuuliyiinta dawlada ee caadaystay xaraashka hantida qarankana waxaan u soo jeedin lahaa inay Ilaahay kaga baqaan awooda qaranka ee lagu aaminay. Bulshadadan waxaan u soo jeedin lahaa inay meel uga soo wada jeesdaan ilaalinta hantida guud eek a dhaxaysa.

Waxaan ku soo gabo gabeynayaa tix ku jirtay mid ka mid ah maansooyinkii Ibraahim Gadhle oo ahayd:

“Waan ka aarsan laa doqon,

Inta se ay afkaartiyo,

Aragtidu mideysnayn,

Nacas wayga adag yahay,”

DHAMAAD

Dr Maxamed-Culimo Yusuf Aw Cali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here