TIXDA MAANTUNA WAA SAWIRKAN DUSHA OO AH WAX KU CUSUB DALKEENA, IN LABA QOF OO ISLAAM AHI MAALIN KELIYA ISKU DELDELAAN MAGAALO MADAXDA SOMALILAND.
(SUBXAAN ALLAA)
DAMQASHOOY WIXII NOOL,DIRGASHOOY WIXII KACA,
DIBIROOY NINKII CUNAY,DIBJIROOW NASIIBKAA,
DIGASHOOY AQOON DARAN,DOORKAAGU WUU IMAN.
DARXUMADII TAHRIIBTEE,DA’YARTU AY KU MADHATIYO,
DIBAD U HAAJIRKEENII,WAX KA DARAN AYAA DHACAY,
DAAYINUU SIDII ROON,DADKU WUU CABSANAYAA.
DALKU MUU LAHAAN JIRIN,QOF DELDELA NAFTIISEE,
DOORKANAYNU ARAGNAA,DDORDOORAN MAYNEE,
DAAYINOOW SIDII ROON,DADKU WUU CABSANAYA.
DADKU WAY MADLUUMEEN.DAWLAD XUMO DARADEED,
DUNTA RUUX ISLAAMOO,DABIN GELIYEY TIISII,
DALKA MAANTA WAA KAW,DUCAYSTOO ISA SAAMAXA,
IAMAIL ABDILLAHI HANDULEH
KAMPALA/UGANDA