Qaar ka mid ah dhaawaca dagaalkaas oo Cisbitaalka Hargeysa lagu daweynayo
Fan-hareeri(Hubaal) Dagaal culus ayaa labada Beelood ee Dhulbahante iyo Ogaadeen ku dhex maray Bali u dhaw tuulada Fan-hareeri oo ka tirsan degmadda Danood ee gobolka War-dheer ee kililka shanaad.
Wararka naga soo gaadhaya dagaalkaas ayaa sheegaya Dhimashada shan qof oo saddex dhulbahanta yihiin iyo laba dhimasho ah, halka dhaawac badan iyo dad la qafaashay laga soo sheegayo in uu kala gaadhay labada Beelood.
Dagaalka Labada Beelood dhex maray ayaa ka dhashay degsiimada Bali la yidhaahdo Ilig, kaasoo ku yaala Deegaan ay labadaas beelood wada degaan, waxaana usoo gurmaday Ciidanka Liyuu Booliiska iyo kuwo Federal ah, kuwaas oo lagu soo waramayo inay labada Beelood dhex galeen.
Qaar ka mid ah dhaawaca Beesha Dhulbahante ayaa la keenay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo lagu daweynayo, waxaana booqday sida wararku sheegayaan dhaawacaasi wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland
xigasho: waaheennesws