Dadka iyo balwadda W/Q:- Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

0
104

Balwad guud ahaan waxa aynnu u naqaan wax kasta oo raaxaysi ama maaweelo laga dhigto dabadeed la waalifo oo la qabatimo, waxaas oo aanay haddana dani ku jirin amaba nolosha u daran. Gaar ahaanna balwad waxaa la yidhaahdaa waxyaalaha lagu marqaamo ee maanka dooriya.

Maskaxdeennu waa caalam aad u baaxad weyn oo ka kooban qaybo badan oo mid waliba hawl gooni ah ku qaybsan tahay. Tusaale ahaan meel baa qaabbilsan aragga oo aan la’aanteed indhuhu waxba arkayn, meel kale maqalka, meel kale xusuusta, meel kale dhadhansiga, iyo qaybo kale oo aad u badan. Haddaba hawlaha maskaxda waxaa ka mid ah wax la yidhaahdo habka abaalmarinta reward system. Wax kasta oo nolosha qofka waxtar u leh marka la cuno ama la sameeyo maskaxdu dareensidayaasha iyada ka faafa ayay raacisaa farriimo kiimiko oo jidhka gaadhsiiya dareen farxad iyo liibaan ah, maaddooyinkaasna waxaa ugu muhiimsan mid la yidhaahdo Dopamin.

hawdQaabkaa ay maskaxdu u shaqaysaa aad buu muhiim ugu yahay dadku in uu waxa uu ku noolaanayo jeclaado oo raadiyo, marka uu helana ku farxo kuna liibaano. Tusaale ahaan si aad u noolaato waa in aad wax cuntaa, wax walbana cuni maysid ee wax dheef ku gelinaya oo qudha ayay naftaadu u hungurootaa. Adiga oo gaajaysan haddii aad aragto hoobaan bisil waad u riyaaqaysaa oo naftaada farxad baa gelaysa waanad u hamuumaysaa, kolka aad cuntana raalli baad noqonaysaa. Farxaddaa iyo raallinoqoshadaa waxaa keenaya maaddada abaalmarinta ee maskaxdu jidhka ku sii daynayso. Sidaas ayaad mar kasta oo aad wax jiritaankaaga iyo badbaadada noloshaada u wanaagsan samayso u raaxaysataa, u faraxdaa oo u liibaantaa. Waxa ay lid ku tahay sida waxa nolosha u daran jidhku u diido ee ugu bokoodo.

Haddaba haddii dareenka raaxadu yahay hab ay maskaxdu dadaalka wanaagsan ee noolaha ku abaalmariso, sidee bay ku timid raaxada ka dhalata waxyaalo nolosha u daran sida balwadaha? Jawaabtu waxaa weeye, waxaa jira maaddooyin kiimiko oo ku jira balwadahaa oo maskaxda khatala oo xilkeeda abaalmarinta khalkhaliya. Maaddooyinkaasi maskaxda waxa ay isaga dhigaan dheef qofku u baahan yahay, dabadeed maskaxdii oo khalkhashay baa bixisa dareenkii macaanaa ee abaalmarinta. Sidaas ayay dadku u caadaystaan in ay been ku raaxaystaan. Maaddooyinka maskaxda khalkhaliya waxaa ka mid ah nigotiinka (nicotine) oo ku jirta buuriga (tubaakada), alkolka oo ku jira khamriga, katinon (cathinone) oo qaadka ku jirta, kofeeyn (coffeine) oo ku jirta bunka iyo shaaha, iyo walxo kale oo noocyada daroogada ka buuxa. Waxaas oo dhami kolka ay jidhka galaan maskaxda ayay been u sheegaan dabadeed raaxo faalso ah ka keenaan.

Waxaa se jira balwado kale oo aan ahayn maaddooyinkaa jidhka laga qaato ee ah wax la sameeyo sida balwadda loo yaqaanno khammaarka ama qammaarka. Qammaarku waa qofka oo xoolihiisa u dhiga bakhti-yaa-nasiib lagaga heli karo ama uu isagu dheeri ku heli karo. Badanaa khammaarka qofku in uu helo waxaa ka fursad badan in isaga laga helo, sidaa darteed waxaa caado ah qofka qammaaraa in uu caydhoobo oo musallafo. Midda kalena, qofka khammaarku balwad u noqdaa xoolo uun ka ma raadiyo ee ciyaarista ayuu sida maandooriyaha u waalifaa, waxa uu mar helana ma haysto ee dib ayuu ugu khammaaraa. Balwaddani, sida balwadaha kale, haddii ay dugsato duruufo nafsadeed oo qofku qabo noloshiisa oo dhan ayay galaafan kartaa. Dhulka Soomaalida khammaarku aad ayay u kooban yahay, se waxa uu ku badan yahay soomaalida ku dhaqan Dunida Galbeedka.

Balwadaha aan jidhka gelin ee nafsad ahaan loogu raaxaysto waxaa ka mid ah dhegaysiga muusigga kaas oo asal ahaan nafta u wanaagsan laakiin maanta xadka ka baxay oo habsamida nolosha qofka iyo ta bulshadaba dhibaateeya. Dad badan buu dhegaysiga muusiggu danaha noloshooda seejiyaa, dad badan buu maqalkooda dhaawacaa, dad badan buu dhaqaalahooda fuuqsadaa, qoysas badan iyo deris badan buuna xidhiidhkooda xumeeyaa.

Balwadaha jaadkan ah waxaa kale oo ka mid ah isboortiga. Isboortigu, sida muusigga, asalkiisu waa wax wanaagsan, waayo jidhka ayuu u yahay jimicsi iyo caafimaad, isla markaa waa lagu bulsheeyaa. Laakiin isboortigu maanta dunida waxa uu ka noqday balwad xun oo lagu waashay. Balaayiin dad ah baa habeen iyo dharaar telefeeshinnada hor yuurura ama garoommada lagu ciyaaro ka buuxa waqti iyo dhaqaale badan ku lumiya. Marar kalena isboortigu waxa uu sabab u noqdaa qalalaase, dhimashooyin, dhaawacyo, burbur iyo nacayb.

Soomaalidii hore balwadaha maanta la yaqaanno ee lagu marqaamo ama maanka dooriya ma ay aqoon. Balwaddii ugu horreysay ee ina soo gashay waxaa lagu sheegi karaa shaaha iyo buuriga, kan dambe oo mar daanka la gashado marna la qiijiyo. Labadan balwadood sida la garan karo waxaa keenay dadka xeebaha ee shisheeyaha la dhaqmay, kuwaas oo ay markii dambe bulshada inteedii kale kaga dayatay. Haddana waxaa dhanka Herer ka yimid qaadka oo la sheegay in ay wadaaddadu u adeegsan jireen ku soojeedista cibaadada iyo akhriska diinta. Waxa ay ku sheegeen “quud awliyo” dabadeed bulshadii kale ayaa ka baratay.

Cabbidda khamriga, oo ah caado dhaqammadii hore ee dadyowga badankooda ku soo jirtay, soomaalidu waxa ay ka taqaannay waxa ay diintu ka bartay oo qudha, xilli aad u dhow ayuuna dalka soo galay, oo malaha ka ma uu horreyn imaatinkii Yurub. Waxa uu se khamrigu xoogaystay kolkii ay soomaali badani dunida waxbarasho iyo shaqo u tagtay. Dadkaas oo ilbaxnimada cusub ee soomaalida ka dhex muuqday ayaa dhallinyaro badan saameeyay.

Xashiishadda iyo noocyada kale ee daroogada iyadu aad ayay u dhowayd, waxa ayna qunyar qunyar ugu dhex faaftay dabaqadda liidata iyo debedyaalka magaalooyinka waaweyn. Sidaa darteed balwaddani weligeed ma ay noqon wax dadka isbiday lagaga daydo, ilaa maantana waxaa loo arkaa wax dadka dulliga ah u gooni ah. Taas ayaa daroogada ku yaraysay dabaqadda ladan iyo dadka waxbartay.

Haddaba soomaali iyo shisheeye, culimo iyo caammo, waxaa la isku raacsan yahay balwaduhu, nooca ay doonaanba ha noqdeene, in ay nolosha iyo caafimaadka bani aadanka u daran yihiin. Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn dhimashada aan dabiiciga ahayn ee dadku waa balwadaha siiba khamriga, daroogada iyo sigaarka. Tusaale ahaan dadka Ruushka dhimashada ugu badan waxaa u keena cabbidda khamriga. Maraykan iyo Yurub dembiyada iyo shilalka ugu badan ee ka dhaca waxaa sababa balwadaha maanka dooriya.

Dawladaha dunida qaarba si ayay mushkiladahaa u la dhaqmaan, oo qaarba balwado gooni ah ayay bulshooyinkooda ka mamnooceen. Tusaale ahaan dalalka muslinka qaarkood khamriga iyo daroogooyinka waa ay xarrimeen, halka dalal badan oo kale khamrigu fasax yahay laakiin daroogadu reebban tahay, iyada oo ay jiraan dalal daroogooyinka qaarkood fasaxay. Sigaarka oo ka mid ah balwadaha ugu halista badan xagga caafimaadka ma jiro dal qudha oo ilaa maanta mamnoocay. Haddaba maxay ku dhacday, tusaale ahaan, dalalka hore u maray iyaga oo habeen iyo maalin ka hadla wanaajinta nolosha dadkooda haddana in ay ku fasaxaan khamriga iyo sigaarka oo ay malyuumaad qof ku halligmaan? Jawaabtu waxaa weeye, hantigoostaha waxan dadka ka iibiya ee lacagta ka sameeya ayaan dawladaha u oggolayn in ay joojiyaan. Isboortiga lagu waashay isaguna waa la mid oo hantigoostaha ayaa lacag caqliga ka baxsan ka sameeya dabadeed dadka diin uga dhiga. Dawladaha qudhoodana cashuur badan baa waxyaalahaa ka soo gasha, isla markaa bulshada ayaa arrimo kale lagaga jeediyaa. La ma oga boqollaalka malyuun ee dad ah ee maalmaha fasaxooda ku dhex jira sakhradda, isboortiga iyo muusiggu haddii ay miyirqabi lahaayeen waxa ay siyaasadda dalalkooda ka yeeli lahaayeen.

Dhulalka soomaalida oo la hubo maanta in ay ka jiraan dhammaan balwadaha aynnu soo sheegnay, labada ugu waxyeello badan uguna xooggani waa qaadka iyo sigaarka, labadaas oo dhaqanku aqbalay kana duwan khamriga iyo daroogada oo aad loo ceebaysto. Aqbalidda qaadka iyo sigaarku waxa ay keentay in aan waxba la iska wayddiin ee loo arko wax iska caadi ah. Laakiin run ahaantii wax iska caadi ah ma aha ee waa laba halisood oo aad u waweyn oo dadka soomaalida ka burburiya caafimaad, dhaqaale, dhaqan iyo nolol oo dhan. Iyada oo ay sidaa tahay ma jirto cid isku dayday ama isu xilqaantay ayaandarradan in ay xakamayso. Maxamed Siyaad Barre ayaa berigii uu talada soomaalida ku falaadayay sannadkii 1983 mar yidhi qaadka waan joojiyay. Laakiin waxba ma uu joojin ee dadkii sida sharciga uga ganacsan jiray ayuu ugu darraaday oo dad kale ayuu si sharcidarro ah ugu naasnuujiyay, hadhowna waa kii sannadkii 1989 mar kale yidhi waan fasaxay.

Balwaddu haddaba iyada oo intaas oo weji iyo intaas oo dhibaato leh, waxa ay ka bilaabataa wadaadka iyo suldaanka wanwanaagsan ee inta ay masaajidka iska soo raaceen laba fijaan oo shaah ah maqaaxida kaga dhuftay, dabadeed iyaga oo dhididay oo caajiskiisa ka duulay nin kale qiiq sigaar dabaylka kaga soo afuufay, ama mid qaad ka soo kacay oo marqaansani afka la soo galay, ama mid khamri soo cabbay oo dhacdhacayaa miiska ka jiidhay, intuba fijaan shaah ah ayay ka bilawdeen. Loo ma baahna ee waa balwad.

Ibraahinhawd@hotmail.com

www.Ibraahinhawd.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here