Dad Ku Dhaawacmay Is-Rasaaseyn Ka Socota Tiyaatarka Hargeysa Oo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa La Keenay

0
31

Hargeysa(Hubaal) Rasaasta ayaa ka yeedhay agagaarka dhismaha tiyaatarka magaalada hargeisa kaasi oo subaxnimadii saaka ay xukuumadu soo dhoobtay ciidamo la wareegay gacan ku  haynta dhismaha uu dhisayo ninka ganacsadaha ah ee reer hargeisa oo dawladii riyaaale ka iibisay,

 news

Inta la Ogyahay Waxa isbitaalka Hargeysa la keenay Dhawicii ka dhashay Dagaalkaasi halkaasi ka socda.

Wararka ayaa sheegay in xukuumada maxawayne siilanyo ay dib uga iibisay ganacsato kale oo reer Hargeisa isla mar ahaantaaasina subaxnimadii saaka soo dhoobtay ciidamo ay horka cayaan ganacsatadaasi oo hilfaha loo qaaday dayrkii xaydaabka dhismaha isla mar ahaantaasina la galiyey cagaf gacan ku haytiisana lagala wareegay  dadkii joogay goobta.

Waxaanay waraku sheegeen in koox ay isku hayb yihiin oo hubaysani ay goordhawayd soo gaadhay goobta uu ku yaalo dhismah tiyaatarka hargeisa oo dhinaca bari ka xigta dawlada hoose ee hargeisa halkaasi oo ay rasaastu hada ku dhex marayso ciidanka qaranka iyo ragan hubasan.

source:waaheen

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here