HUBAAL Channel: Daawo Wasiirrada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Oo Bahda ILAYS Schools Ka Guddoontay Qaadhaan ay kaga qayb qaadanayaan dhismaha jidka Ceerigaabo
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Ayaa Qadar Lacageed oo dhan $14000 [Afar iyo Toban kun oo Dollar] ka guddoontay maamulka Dugsiyada ILAYS. Lacagtaas oo ay iska soo ururiyeen ardayda dhigata dugsiyadaasi, iyaga oo ugu talo galay inay iskuul ahaan iyo arday ahaanba kaga qayb qaataan qaadhaanka loo ururinayo dhismaha wadada Ceerigaabo.
Haddaba Halkan Hoose ka daawo Munaasibaddii guddoonsiinta qaadhaankaasi iyo hadalkii ay wasiirrada iyo xubnihii kale ee ILAYs ka jeediyeen Madasha lagu qabtay xafladda