Siyaasiyiintii Madashaa shalay lagu xusay maalinta Saxaafadda madaxa-bannaan iyo xorriyatul-qawlka caalamka, waxaa ka hadlay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, waxaanu yidhi; “Ninka yidhaada Saxaafadda Somaliland waxbay xumaysaa, waa nin aan waxba ogayn Saxaafadda Somaliland waa Saxaafadd qunyar socod ah, Saxaafadda Somaliland dhaqan-xumada ma taqaanno. Maanta Saxaafaddii culays xooggan ayaa saaran.”
“Madaxweyne Siilaanyo markii uu Mucaaridka ahaa laba qodob ayuu carrabka ku dhufan jiray, wuxuu odhan jiray; ‘Saxaafad la cubudhinayaa ma jirayso iyo in la ilaayo geeddi-socodka dimuquraadiyadda. KULMIYE waxyaabo badan ayuu xariif ku ahaa, Siilaanyo Saxaafaddii wuu ku guuray, Baarlamaankiina wuu ku guuray, intaaba immika wuu ka dul-tallaabsaday oo wuxuu yidhi; ‘idiinma baahnin’, Saxaafaddii immika waxaa laga ilaalinayaa in ay wax sheegto. Daahir Riyaale waxaannu odhan jirnay; ‘wuxuu ahaa Nabad-sugiddii, Saxaafadduu xidh-xidhaa.’ Riyaale intuu xilka hayey wuxuu xidhay 17 Suxufi, labadii Sannadood ee ugu horreeyay Siilaanyo wuxuu xidhay 58 Suxufi.” Sidaa ayuu yidih Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax
Guriga FAALLOOYIN DAAWO VIDEO: “Riyaale waxaannu odhan jirnay; ‘waa Nabad-sugiddii… Siilaanyo Saxaafaddii & Baarlamaankiina...