DAAWO SAWIRRO Fara Badan Oo Ku suntan Hawl-gal Ay Dawladda Hoose Ee Hargeysa  Ka Fulisay Jidka Taga Madaarka Caasimada

0
19

Hargeysa (Hubaal)-Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa shalay hawlgal balaadhan oo ay ku hagaajinayso billicdda magaaladda ka bilowday octobar ilaa stare taas oo banaysay jidadkii ay dadku ka hor samaysteen meheradaha.

Ololahan nadaafadda iyo baneynta jidadka iskugu jirta waxa hor kacayey maayir ku xigeenka iyo gudoomiyaha waaxda dhulka Xildhibaan Maxamed Warsame Caalim Timacadde, cagta mariyey jidka dheer ee u baxa madaarka  Hargeysa .

Gudoomiyaha waaxda Dhulka Xildhibaan Maxamed Caalim Timacadde, ayaa sheegay in aan cidna loo dhaafeyn, isla markaana goob kasta iyo meel kastaba ay marayaan, isla markaana xusay inuu gaadhsiin doonaan ilaa saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa.

“hawlgalkani waxaa kii noo socday ee aanu hore u sheegnay in aanu caasimadda ka bilaabayno, waxaana dadweynaha u sheegayaa in toddobaad kasta xaafad la gali doono, isla markaana aanta ka bilowday wadada is goyska ah ee agtoobar ilaa xaafadda Star ee degmadda Maxamuud Haybe, waxaana dadweynaha ku wargelinaynaa in hawlgalkaasi socon doonno oo magaaladda bilicdeeddii lagu soo celin doonn”ayuu yidhi xildhibaan Timacadde oo ka hadlayey hawlgalkaasi bilicdda lagu hagaajinayo.

 Maayir ku xigeenka caasimadda Hargeysa, Md:Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cagoweyne ayaa isna sheegay inay doonayaan in caasimaddu noqoto mid billicleh, isla markaana ay hawlgalkani noqon doono mid joogto ah oo toddobaadkasta xaafadaha magaaladdda la banneyn doonno.

“maanta waxaanu banaynaynaa wadada tagta madaarka oo jiingadihii wadooyinka soo galay aanu ka burburinaynaa, mana ogolaan doonno in wadooyinka hareerahoodda laga hor dhisto jiingaddo qofkii doonaya meel uu ku shaqaysto waa in gurigiisa ka dhex samaysta laakiin ma ogolayn waana duminaynaa jiingadaha wadooyinka hareerahoodda laga dhisayo”ayuu yidhi maayir ku xigeenka caasimadda Cabdicasiis Cago weyne oo ka hadlayey ololihii kor loogu qaadayo bilicda magaaladda.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda hoose ayaa baryahan dambe usoo jeesatay baneynta jidadka xidhan iyo kor u qaadista bilicdda magaalada, taas oo ballanqaaday in toddobaad kasta xaafad ay ku waabariisan doonnaa.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here