“Waxaan Marayay Meel Wax Yar U Jirta Xarunta, Waxaan Arkay Gaadhigan oo Sii Galaya Xarunta KULMIYE”
DAAWO SAWIRRADA: Xayndaabka Xarunta Xisbul-xaakimka Somaliland Ee KULMIYE Oo Galabta Uu Baabuur Fool-habow Ahi Dumiyey
Hargeysa (Hubaal) –Gaadhi noociisu uu yahay kuwa raaxada ayaa galabta galay gidaarka xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaaladda Hargeysa. Gaadhigan oo uu noociisu ahaa Cressida ayaa ka soo Fooloobay ama taraaray dalcada dhinaca waqooyi ka marta xisbiga Kulmiye oo uu sii fananayay, ayaa dumiyay dayrka Xarunta Xisbiga Kulmiye.
Warkan oo Aanu Hadhwanaagnews kasoo xiganay ayaa intaa ku daraya in aanay jirin cid wax ku noqotay gidaarkaasi, hasayeeshee dhismaha ayaa waxa ka soo gaadhay khasaare aan badnayn.
Qaar ka mid ah dadkii ka ag dhawaa halka uu shilkaasi ka dhacay ayaa sheegay in ay arkayeen gaadhigan oo dib u soo taraaray isla markaana cuskaday gidaarka “Niyooow waxa aan marayay meel wax yar u jirta xarunta, waxaanan arkay gaadhigan oo sii gelaya xarunta kulmiye” ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa.
Geesta kale gaadhi ka mid ah kuwa u kala goosha hawdka iyo Magaaladda Hargeysa ayaa isaguna ku dhici gaadhay meel dhinaca koonfureed kaga beegan jaamacada New Generation ee Magaaladda Hargeysa.
Gaadhigan oo uu qabtay gidaarka dhisme ku yaala Galbeedka Jaamacada New Generation ayaanay cidi waxba ku noqon, hasayeeshee waxa soo gaadhay khasaare.
“Waxa aan u soconay dhinaca Idaacada, hadaba anaga oo wadada haysana ayaanu ka weynay gaadhiga Biriiga, halkan ayaanu nala galay oo ma jirto cid wax ku noqotay” ayuu yidhi darawalkii.