DAAWO SAWIRRADA iyo Muuqaallada SHIRE Company & HASS Petroleum Oo Xadhiga Laga Jaray+Adeegyada Kala Duwan Ee Laga Helayo

0
41

“Kaalintan Iyo Super Market-Kani Cusub Ee Shirre Company Iyo Hass-Petroleum Ayaa Iska Kaashaday, Ujeeddada Ugu Weyn Ee Aanu Fikradan U Keennayna Waa In Dadkeena La Tuso In Uu Weli Dalkeenu Dihiin Yahay”- Maxamed Xasan Aadan (Shirre), Mulkiilaha Shire Company

Xaflada aad u balaadhan oo  xadhiga lagaga  jarayay   xaruntani ganacsi ee cusub  oo lagu qabtay halka laga hirgeliyay oo ku taalla xaafadda shacabka ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qaybgalay wasiir ku xigeenada wasaaraddaha ganacsiga,  kalluumaysiga iyo  masuuliyiin kala  duwan oo ka tirsan xukumadda Somaliland.

Maxamed Xasan Aadan (Shirre) oo ah Mulkiilaha kaalintan Shiidaalka  iyo super market-kani  ganacsi ee  cusub  oo isna xafladaasi xadhiga lagaga jarayay   hadal ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay qaybaha ay ka kooban tahay xaruntani ganacsi ee casriga ee uu hirgeliyay, taasi oo uu sheegay in ay isugu jirto qayb dukaamaysi, Kaalin Shiidaal iyo sidoo kale qayb lagu iibiyo qalabka kala duwan ee dayactirka Gaadiidka.

Waxa kale oo uu sheegay  Maxamed Xasan Aadan (Shirre) oo ah Mulkiilaha kaalintan Shiidaalka  iyo super market-kani  ganacsi ee  casriga ah in sidoo kale xaruntani laga heli karo qaybta lagu maydho  Baabuurta oo  casri ah. Waxaanu u mahad naqay dhamaanba dadkii kala duwanaa ee xafladaasi ka soo qayb galay.

Waxaanu yidhi  “Kaalintan  iyo super market-kani   cusub ee Shirre company   iyo  Hass-Petroleum ayaa iska kaashaday oo wado sameeyay,  u jeedada ugu wayna ee aanu fikradan u keenay waa in dadkeena la tuso in uu wali dalkeenu  dihiin yahay oo qofkii fikrad keenaaba  uu helayo cid maalgelisa. Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan madaxda kala duwan iyo marti sharafta ka soo qaybgashay.”

 

HALKAN Ka Akhri: WArbixinta Furitaanka Xaruntan
10330368_761639140565593_8812995145972145902_n-tile

10330368_761639140565593_8812995145972145902_n-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here