Taxanaha Horumarka Uu Ku Tallaabsaday Madaarka Cigaal International Ee Caasimadda Hargeysa……Qormada 7aad
Qaybaha Dhoofka iyo Soo degista ee Madaarrada ee loo yaqaano Teerminaaladu waa ubucda ama qaybta ugu muhiimsan Dhismayaasha Madaarrada marka laga yimaad Dhabbaha diyaaraddu ka haaddo ama soo caga-dhigato waxaanay Madaarradu Ku kala horreeyaan ama u kala qurux badan yihiin sida Teerminaaladaasi u habaysan yihiin, dhisme ahaan iyo adeeg ahaanba waana goobta qurxisa guud ahaan Mad-harka Madaarka. Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport oo sidii aan soo sheegnay xukuumaddan horteed ahaa mid heerkiisu aad u hooseeyaa ma lahayn Teerminaalo habaysan dhisme ahaan iyo qalab ahaanba waxaanay taasi dhaawacday qaabkii iyo quruxdii Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal. Madaarka Hargeysa waxa uu lahaan jiray laba teerminaal oo aad u cidhiidhi ah qalab ku filanna aan lahayn. Teerminaalada Madaarku waxa ay kala yihiin:
1. Teerminaalka Soo Degayaasha (Arrival Terminal)
2. Teerminaalka Dhoofayaasha (Departure Terminal)
Labadan Teerminaal waa la dhisay, iyada oo si weyn loo ballaadhiyey waxa kale oo laga hir geliyey hoolal kale oo dheeraad ah oo dadweynaha iyo masuuliyiinta qaranka loogu tala galay in ay ka soo degaan ama ka dhoofaan kuwaasi oo aan iyaga qaybaha dambe ee taxanahan ku faahfaahin doono.
Labadan Teerminaalba waxa ay ahaan jireen wakhtigii hore kuwo aad u hooseeya Dhisme ahaan, Bilic ahaan iyo Agab ahaanba taasi oo keentay in ay ka muuqato muuqaalka duleed ee Madaarka. Is badalka weyn ee ku yimid wakhtigan Madaarka Hargeysa waxa qayb ka ah in teerminaaladan iyo kuwo kale oo lagu soo kordhiyeyba ka hana qaadmaan Madaarka kuwaasi oo laga hir geliyey dhammaantood dhismayaal halka laga abuuray kuwo kale oo aan hore u jirin. Masuuliyiinta Madaarka iyo Guud ahaan Wasaaraddu waxa ay si weyn isaga xil saareen in ay gabi ahaanba badalaan qaabkii iyo habkii ay u adeegi jireen teerminaalada Madaarku taasi oo keentay in farqi weyni u dhaxeexo sidii ay ahaan jireen iyo sida ay maanta yihiin. Teerminaalka ay ka baxaan dadka Dhoofayaasha ahi waxa uu yahay mid aad loo habeeyey adeegiisana si weyn kor loogu qaaday. Horumarka uu Madaarka Hargeysi sameeyey waxa laga dheehan karaa oo kale in Teerminaalkaasi uu saddex jibbaarmay adeegii uu qaban jiray halka ay maanta ka dhoofi karaan daqiiqado kooban in ka badan 800 oo qof halka ay wakhtiyadii hore loogu adeegi jiray wax ka yar 50 qof ka hor intii aan Madaarka dhismihiisa la bilaabin. Qaybta Shandadaha loogu Miisaamo Dhoofayaasha ee Teerminaalkaasi waxa maanta mar kali ah loogu adeegi karaa dad ka badan 200 oo qof oo dhoofayaal ah iyada oo wakhtiyadii hore ee aan Madaarka dib u habaynta lagu samayn loogu adeegi jiray dad aan ka badnayn 50 qof. Iyada oo si loo ilaaliyo nadaafadda iyo faya-dhawrka soo dagayaasha iyo dhoofayaasha si weyn looga shaqeeyo Nadaafadda Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa halka Teerminaalada iyo qaybo kale oo Madaarka ah laga hirgeliyey Xamaamyo nadiif ah oo leh biyo iyo Laydh ku filan 24-ka saacadoodba. Halka Madaarka iyo Teerminaalada la dhisay laga hir geliyey boodhadh iyo hageyaal tilmaamaya goob kasta waxa loogu tala galay kuwaasi oo kala hagaya dadka soo degayaasha ah, kuwa dhoofayaasha ah iyo kuwa soo dhaweeyayaasha ahba.
Arrimaha lagu kordhiyey Teerminaalada waxa ka mid ah dhismaha iyo qalabaynta Teerminaalka Dhoofayaasha (Departure Terminal) iyada oo Dabaqa teerminaalkaasi lagu kordhiyey kuraas qaadaysa in ka badan 500 oo dhoofayaal ah.
Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi mar uu hadal kooban ka jeediyey sida ay qaybahan wax uga qabteen waxa uu yidhi: “Waxaanu ballaadhin, Qurxin Iyo Qaabeyn ku samaynay Teerminaalka laga dhoofo. Waxaanu ballaadhinay qaybta shandadaha lagu miisaamo maadaama mar walba rakaabkeenu kordhayo. Waxaanu dhignay marmar cusub, albaabo iyo daaqado cusub oo waaweyn (Double Glassing) ah ayaa lagu sameeyey. Waxa dabaq sare lagu kordhiyey Teerminaalkan iyada oo qaybtii hore u dhisnayd qayb kale lagu daray gaar ahaan dhinacyada Galbeedka iyo Wajahadda hore. Teerminaalka laga dhoofo wakhtigii aanu talada dalkan haaneednay ama qabanay waxa uu qaadi jiray 50 qof, maanta waxa uu qaadayaa in ka badan 750 qof halkaa waxaad ka garanaysaa inta jeer ee uu kordhay marka lagu daro goobta lagu miisaamo shandadaha oo ay ka adeegan karaan in ka badan 200 oo qof marka la isku wada daro Teerminaalka dhoofayaashu maanta Ilaahay mahaddii waxa uu qaadi karaa 1000-kun qof oo dhoofayaal ah oo aan mar kali ah dareemin wax cidhiidhi ah”.
Isa-badalka lagu sameeyey Teerminaalada Madaarku waxa uu soo jiitay shirkadaha duulimaadyada ee Madaarka Hargeysa isticmaala. Waakan Mudane Khadar Bayle oo ah Masuul ka tirsan shirkadda Jubba Airways, mar uu ka hadlayay sida loo habeeyey loona dhisay Teerminaalada iyo waxa ay ka badashay shaqadoodii iyaga gaar ahaan, Khadar oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Runtii is badalka iyo dhismaha lagu sameeyey Teerminaaladu waxa ay door weyn ka qaadatay in ay si weyn hoos ugu ridday saxmaddii Madaarka ka jiri jirtay markii hore gaar ahaan wakhtiyada duulimaadyadu sarreeyaan. Wasaaraddan maanta waxa sharaf u ah in ay adeegga intaa le’eg ka qabatay teerminaaladan. Annaga oo qayb ka ah dadkii maalin walba adeegsanayay ee ay qaybtani sida gaarka ah u khusaysay rakaabka keeniddiisa iyo dhoofintiisuba waxa aanu dareenay nafis weyn iyo horumar ballaadhan oo ku yimid guud ahaan Madaarka gaar ahaana Teerminaalada sida weyn loo dhisay. Waliba waxa aanu dareenay Teerminaalka Dhoofayaashu adeegsadaan oo noqday mid aad u tayo weyn”.
Hadaba, Bilic gaar ah ayaad ka dareemaysaa oo ku soo jiidanaysa gaar ahaan qaabka loo dhisay Teerminaalkaasi oo xaggiisa sare lagu dahaadhay Muraayado dhalaalaya oo caag ka samaysay oo qaab wareegsan ama xoodan loo sameeyey aadna loo xardhay kuwaasi oo laga sii dul dhisay dabaqa sare ee Teerminaalkaasi oo ah qalabka loo yaqaano (Sky Light). Waxa kale oo teerminaalada laga hir geliyey shaashado waaweyn oo elektarioonik ah oo laga akhrisan karo duulimaadyada iyo wakhtiyadooda oo ah heer caalami.
Rakaabka Madaarka isaga gooshaya ha noqdaan soo degayaasha ama dhoofayaasha’e waxa safarkooda u sahlaya oo adeeg ahaan loogu sameeyey Teerminaaladan nidaamka Hagista Maqalka (Sound System) oo loo adeegsaday sameecado laga baahinayo codadka lagu baraarujiyo rakaabka ee loogu sheego duulimaadyada iyo wakhtiyadooda kuwaasi oo shaqaale hawshaa loo carbiyey luuqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisigaba ku hagaan dadweynaha uguna sheegaan wakhtiyada duulimaadyada, in diyaaraddii ay raaci lahayd diyaar tahay. Qaybaha ay ku nastaan dadka dhoofayaasha ah ama soo degayaasha ahi waxa laga hir geliyey oo kale Adeeg dhinaca Internetka ah oo Lacag la’aan ah kaasi oo ay isticmaalaan wakhtiga ay dhoofayaan ama ku nasanayaan ee ay soo degaan. Dadka diyaaraduhu ka habsaamaan ama soo degaya ayaa adeegyadaasi aad ugu reeyey kana mahad celiyey. “Diyaaraddii aan saarnaa ayaa habsaantay. Waxaan ka mid ahayd dadka aadka u isticmaala Madaarka. Horumarka weyn ee aan maalmo kooban ku arkay waxa ka mid ah in aad I arkayso aniga oo imika isticmaalaya Internet. Shaqadaydii ayaan qabsaday intii aan diyaaradda sugayay. Waa wax ka yar saddex wiig intii aan ka maqnaa ee aan dareemay is badalkani. Markii hore waxa dhici jirtay in marka aad dhoofayso ama soo dagayso aad kuyuu gali jirtay, agabkaaga gacanta lagu baadhi jiray maanta waxa ay igu qaadatay wax ka yar 7 daqiiqdo in aan ku dhammaysto dhammaan jeekinkii iyo baadhiddii iyo waliba hubintii sharcigayga. Waa horumar weyn masuuliyiinta ka shaqaysay is badalkaa waa in aan u mahad naqnaa. Dadkan wax innoo qabtay waa in aan u mahad naqnaa” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah rakaabka Madaarka ka dhoofayay oo warbaahinta la hadlay.
Dhinaca kale waxa xusid mudan in Teerminaalka laga soo dego wakhtigii hore ay ku dhex ooli jirtay Maqaaxi dadku shaaha iyo cuntooyinka fudud ka helaan taasi oo maanta laga dhex qaaday madaarkana loona sameeyey Kafateeriyaal casri ah oo habaysan oo dibadda ku yaalla kuwaasi oo ay dadku ku nastaan ahna deegaan ku habboon. Goobtii laga raray maqaaxidii hore ugu ooli jirtay waxa laga dhisay xafiisyo qalabaysan oo ay isticmaalaan laanta Socdaalka iyo Wasaaradda Caafimaadku. Halka sidoo kale Madaarka laga hir geliyey Mawlacyo iyo Masaajid weyn oo dadka dhoofayaasha iyo soo dagayaashu ku tukan karaan kuwaasi oo loo habeeyey goobo cibaado oo qalabaysan oo nadiif ah.
…..La Soco