DAAWO SAWIRRADA: Ficilkii Ay ISIS Ku Bireeyeen Suxufigii Reer Maraykan Oo Aabihii  Ku Tilmaamay Mid Isbedel Dunida Gelin Doona

0
44

Xaflad Baroor diiq ah oo loo sameeyay, suxufigii Maraykanka ahaa Steven Satloff, oo maalmo ka hor kooxda Daish (ISIS), dil qoor gooya ah ku fulisay, oo lagu qabtay guriga qoyskoodu ku leeyihiin Magaalada  Florida, ee dalka Maraykanka ayaa waxa ka hadlay aabaha dhalay ninkaas kaas oo dilka wiilkiisa ay kooxda Daish ku fulisay ku tilmaamay mid wax wayn ka badeli doona dunida oo dhan iyo xaaladeeda.

Odaygan oo lagu magacaabo Arthur Sutlov, oo boqolaal dad ah oo isugu yimi xuskaas la hadlay ayaa dilka wiilkiisa ee kooxda Daish qoorta kaga goysay ku tilmaamay mid arxan daro ah, oo gabi ahaanba aan meel ku lahayn awaamiirta shareecada diinta Islaamka ee ay kooxdaasi ku doodayso inay fulinayso.

Odaygan oo aad u murugaysan ayaa sheegay in wiilkiisu ka sakow waalidnimada uu ahaa saaxiib ay aad isku jeclaayeen, laakiin rag manaxayaal ahi isa seejiyeen, qoys ahaana ay ku guul daraysteen in isaga oo nool uu ku soo noqdo.

eight_col_sotloff16-tileWaxa kale oo uu aabahani sheegay in inankiisu had iyo jeer waxa wanaagsan ka shaqayn jiray, iskuna hawli jiray sidii uu dadka dhibaataysan ee masaakiinta ah fariintooda caalamka u soo gaadhsiin lahaa, sidoo kale waxa uu xusay in kooxdaasi wax kasta oo ay ku doodayaan been yahay, isaga oo si adag uga hadlay sida dilka inankiisu aanu bilaa xisaabtan ugu dhamaan doonin.

Mar uu ka hadlayay hogaamiyaha kooxda Daish Abuubakar Al Baghdadi waxa uu sheegay inuu yahay beenaale, dhulka carabta u tagay sidii uu u baabiin lahaa umadaha ku nool iyo xadaaradii ka soo jiri jirtay, isaga oo xusay inuu hayo meesha uu ka soo jeedo, waxa kale oo uu ku dooday inuu been ka sheegayo diinta Islaamka, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaad sheegtay in bisha Ramadan tahay bil barakaysan oo cibaado iyo naxariis qofka muslimka ah looga baahan yahay, laakiin maad naxariisan oo waxaad afduubtay wiilkaygi, waxa aad sheegtay inaad ku taagan tahay, Dariiqii Maxamediyada haddana waxaad gowracaysaa qof aanad isagoo kula dagaalamaya qaban, halka Maxamed (NNKHA) uu xitaa saamixi jiray dad inay dilaan doonayay.” Ayuu yidhi Arthur Sutlov.

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in dilka wiilkiisu is badal wayn ka samayn doono dunida, isaga oo aad ugu cel celiyay sida dilka inankiisu dunida u bedeli doono, laakiin muu sheegin qaabka iyo sababaha ka dhalan doona ee dunida bedalaya.

Waxa kale oo xuskaas ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka John Biden oo isagu ka wakiil ahaa Madaxweynaha dalkaas Barack Obama, oo ka qayb galaya shirka gaashanbuurta NATO, uga qabsoomay gobolka Welles ee dalka Britain. Waxa kale oo isna ka qayb galay badhasaabka gobolka Orlando Gov. Rick Scott iyo Senetarka laga soo doorto degaanka qoyskaasi dego Sen. Marco Rubio.

XIGASHO: Wargeyska SAXAFI

ISIS

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here