Gabiley (Hubaal) –Roobab Dhagaxyaale ah ayaa shalay galab magaaladda Gabiley ka da’ay. Roobabkan oo dhagaxaanta Barafka ah ee la socotay uu ahaa mid culus oo aan baryahaa ka di’in magaaladda Gabiley ayaa waxaa wararka aanu helay sheegayaan in uu Barafku isku soo gaadhay Jidadka. Hase ahaatee aan wax dhibaato ahi ka dhalan illaa hadda inta la ogyahay. “Qadar Nuse saaca ah ayaa uu ka da’ayay Roobkan Dhagaxyaalaha ahi. Waxaana uu na hayay mudadii aanu qaadi karaynay. Haddiise uu sii socon lahaa 10 minid oo kalle, Ilahaay inaguma keeno’e, dhibaato ayuu gaysan lahaa culayskiisa marka la eego.”: Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah dadka reer Gabiley ee xalay aanu arrintan ka waraysanay.
Hore deegaanka ku hareeraysan Gabiley waa loogu arkay roobabkan Barafka wata. Balse, sidda ay sheegayaan dadka reer Gabiley in dhaweyd roob siddan oo kale Dhagaxa barafka ah ee weheliyaa Jidadka buuxsamo laguma arrag.
Dhinaca kale, degmadda Dugsiga sare ee Boodhinka ah ee Gab ee degmada Lughaya Gobolka Awdal ayaa qaybo ka mid ah Saqafka ay kala dageen roobabkan da’ay.
Roobabkan dalka Somaliland ka curtay ayaa ku soo beegmay waqti ay is gaadhay cabashadda abaar gaadhay heer Biyo-dhaamis ah oo ka jirta dalka gaar ahaan galbeedka.