Hargeysa(Hubaal)-Xisbiga Kulmiye, ayaa maanta Munaasibad balaadhan ku qabsaday Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dad tiradooda lagu sheegay lix kun oo qof. waxaa madasha joogay Madaxda Xisbiga Kulmiye, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Marwada Madaxweynaha, qaar ka mid ah Golaha wasiirada, Xildhibaanno iyo dadweyne kale.
Ujeedada munaasibada waxaa lagu sheegay in Kulmiye ku soo bandhigayo Mawqifkiisa dib u dhaca doorashada, kagana jawaabayo mawqifka Mucaaradka ee ah in Xukumadda iyo Wakiilada la kala diro.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa Munaasibaddaasi hadal ka jeediyay waxaanu sheegay in Amaanka dalku sugan yahay cid waxyeeli kartaana aanay jirin. Waxa uu qaadhaanbixiyeyaasha ku eedeeyay inaan ilaa hadda Shillin Lacaga laga hayn, iyaguna ay leeyihiin Masuuliyadda dib u dhaca diwaangalinta Codbixiyeyaasha.
Wasiirku waxa uu Mucaaradka ku eedeeyay inay yihiin dad Somalia u soo kiraysatay duminta Somaliland “Waxaynu wada hadal la lahayn Somalia, waxay wada hadalkii u soo dirsadeen dad Somaliland u dhashay si ay u duudsiyaan xuquuqda dalkani u leeyahay gooni isku taagiisa. Waxa kale oo aan jeclahay inaan idiin sheego inay daan dhegaysan kuwo kale oo halkan jooga oo loo soo kiraystay dibin daabyada iyo fadqalalada dalkeena, taana indhaha ku haya, oo habeen iyo maalinba ka feejignaada” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.
Gudoomiye xigeenka Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa madasha ku soo bandhigay heshiisyo taxane ah oo u dhexeeyay Xisbiyada Qaranka, Xukumadda iyo daneeyeyaasha kale ee doorashada, kuwaasi oo uu sheegay inay ka baxeen Xisbiyadda Mucaaradka ahi markii ay ku doodeen in la samayn doono dawlad wadaag ah. Waxa uu masuuliyadda doorashada dib u dhacday u dusha u saaray Mucaaradka, isagoo soo qaatay xeerarkii iyo Komishankii doorashada eek u habsaamay Golaha uu hogaamiyo gudoomiyaha waddani Cabdiraxmaan Cirro.
“Xisbiga Kulmiye, isagoo dastuurka ku dhaqmaya, isagoo ku dhaqmaya Shuruucda kale ee ka dheeganta, waxa uu diyaar u yahay Xilliyadda Marxaladaysan ee Komishanka doorashadu u soo marayaan doorashada qabsoomideeda inuu taageero, tii ay soo saareena waanu taageersanahay, marxaladdaha kale ee doorashada loo maro marka ay xaaladdahan oo kale gashana Sharcigaanu ka taaganahay oo Sharciga ayaanu waafaqsanahay” ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin.
Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, oo isna Munaasibada hadal ka jeediyay ayaa sheegay inaanay soconayn in la kala diro Golaha wakiilada. Waxa uu ugu baaqay cidii golaha ka tirsan ee iskaga tagaysa inay fasax yihiin balse mudaneyaal 50 ka badan oo Kulmiye ahi dalka u sii shaqayn doonaan inta doorasho laga gaadhayo.
Mudane Muuse Biixi Cabdi, hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa isna madashada ka hadlay waxaanu sheegay in Xukumadda iyo Wakiiladu xilka sii haynayaan wixii ka dambeeya 26 June, inta doorasho laga gaadhayo “ waxaynu ognahay in gudiga doorashoooyinka qaranku cadeeyeen wakhtiga ay bilaabmayso diwaangalinta codbixiyayaashu.sadexda xisbina ku raaceen arinkaa. Muda xileedka xukuumadu marka uu dhamaado 26 june 2015 waxaa la raacayaa tastuurka.xukuumada ayaa sii wadi doonta hawlaheeda,dalakuna nabad ayuu ahaan doonaa ilahay idankii.” Ayuu sheegay Mr Muuse Biixi.