DAAWO: Muuqaal Cajiib Ah Hoggaanka Sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo ay weheliyaan xubno kamid ah Masuuliyiinta UCId ee Wadanka Imaaraadka Carabta ayaa Magaaladda DUBIA Ku qaabilay isla markaana Casho sharafeed ugu sameeyey Madaxweynihii hore ee Qaranka Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo maalmihii u dembeeyey socdaal ku joogay dalkaas.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Musharraxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen iyo Xubno kale ayaa kulankaasi oo aan warbaahinta loo ogolayn la yeeshay Md. Rayaale.