DAAWO “Aniga Ayuu Dastuurka Ururku Xaq Ii Siinayaa Magacaabista Guddida Qabanqaabada Shirweynaha 5-aad” Khilaaf Ka Dhex Curtay Guddoomiyaha Iyo Guddida Fulinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA

0
22

Khilaafkan ayaa waxa uu salka ku hayaa magacaabista guddida qabanqaabada shirweynaha 5-aad ee Ururka SOLJA.

Waxaana ay ahayd maalintii Shalay markii Guddida fulinta ee ururka SOLJA ay magacaabeen kuna ansixiyeen cod gacantaag ah shan xubnood oo noqonaya guddida qaban qaabada shirweynaha 5-aad ee Ururka suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA

Khilaafkan ayaa yimid markii uu guddoomiyaha ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda hargeysa ganafka ku dhuftay in haba yaraatee aanay waxaba ka jirin xubnaha ay guddida fulintu magacaabeen kuna ansixiyeen, isga oo guddoomiyuhu ku dooday in dastuurka ururku uu awood u siinayo magacaabista guddida qabanqaabada shirweynaha 5-aad ee ururka isla markaana uu magacaabay shanta xubnood ee guddida qabanqaabada

Dhinaca kale Khilaafkan ayaa waxa la odhan karaa in ay ku dhex jirto gacan labaad ama saddexaad iyadoo ay xukuumaddu faragelin hoose ku wado, waxaana muuqata in xukuumaddu ay la socoto dhinaca guddoomiyaha oo ah halka uu khilaafkani ka unkamay

Si kastaba ha noqotee ururka SOLJA ayaa looga fadhiyaa sidii ay u qaban lahayd doorasho lagu doorto guddoomiyaha ururka oo muddadii xilku muddo dhaaftay

solja

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here