Hargeysa (Hubaal) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur Madaw) oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaanu canaantay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo iyo asxaabta Mucaaradka ah.
Buur-Madow, waxa uu sheegay inuu amaanayo safarkii Madaxwaynuhu ku soo maray gobollada dalka, hasa-yeeshee uu Mucaaradka ku dhalliilayo in aanay taaban meelihii uu safarkaasi dhalliisha ka lahaa, halka buu yidhi ay kaga mashquuleen seexasho la’aantiisa Borama “Waxaan xukuumadda uga mahad naqayaa waxqabadka badan ee ay samaysay, anigu xukuumaddana waan toosiyaa oo waan la hadlaa, mucaarikduna wuu la tirsadaa, markaan sidaa leeyahay waxaan arkaa mararka qaarkood inaanay mucaaridku taaban meelaha ay xukuumaddu dhaliisha ku leedahay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Waxaan maqlayey mucaaridka oo ka hadlaya Madaxweynuhu meel hebla umuu hoyan iyo meeshaas si fiican umuu marin, anigu safarkii Madaxweynaha waan hambalyeeyey, laakiin meel qudha ayuu dhaliil ku lahaa mucaaridkuna kamay hadal. Meeshaasi waxay ahayd markii Madaxweynuhu xadhiga ka jarayey waxyaalihii qiimaha badnaa ee laga hirgaliyey dekedda Barbera ee horumarka ahaa ee ay xukuumaddu ku talaabsatay ayaa nin wasiir ah oo Madaxweynihiisii sharafta badnaa dhinac fadhiya ayaa waxa uu ku aflagaadooday Madaxweynihii hore ee qaranka soo maray Daahir Rayaale Kaahin oo qarankan sharaf sumcad iyo horumarba gaadhsiiyey, wuxuu kaga hadlay inuu tuug ahaa lacagta guriga dhigta, waxaan leeyahay waxay ahayd inay arrinkaas xukuumaddu raali galin iyo xaal ka bixiso, waan uga tacsiyadaynayaa inay waxaasi ku dhacdo Madaxweyne Daahir Rayaale”
Buur-Madow oo sii hadlaya ayaa sheegay “Waxaan filayaa inaanay xukuumadda maanta uga baahnayn UDUB inay u ducayso, balse Daahir Rayaale sharaf ayuu inaga mudan yahay, maantana maaha in wasiiradii ugu cus cuslaa xukuumadda maantu inay Madaxweynaha agtiisa ku af-lagaadeeyaan Madaxweynihii hore”
source:dhamays