DHAGEYSO:Shabakada Wararka Qarninews Oo Markii U Horeysay Ka Hadashay Koox Weerar Ku Qaaday Xaruntooda Magaaladda Hargeysa

0
37

Hargeysa(Hubaal)Agaasimaha Guud Ee Shabakada Warar Qarninews  Miyir Cali Xuseen ayaa waxaa markii ugu horey Faah faahin ka Bixiyey Koox Maafiyo ah oo laba Habeen ka hor  weerar ku soo qaaday Xarunta Guud ee Shabakada Qarninews ee magaalada Hargeysa.

Wariye Miyir Cali Xuseen  waxaa uu sheegay  in Kooxdaasi Dhalinyarada ahayd wax yeelo gaadhsiiyeen isaga iyo qalab xafiiska yaalayba,isla markaana waxaa uu tilmaamay in ay dhaawacyo kala duwan kooxdani soo gaadhsiiyeen guud ahaan Agabkii Xafiiska yaaley ina ay bililiqaysteen.

Agaasimaha Guud Ee Shabakada Warar Qarninews  Miyir Cali Xuseen waxaa uu farta ku fiiqay in Kooxdan laga soo direy Guriga Suldaan Yuusuf Xiirey isagoo sheegay in uu hayo Cadaymo iftiiminaya in Kooxdan laga soo abaabuley Guriga Suldaankaasi isla markaasna waxaa uu sheegay in ay ku jireen laba wiil oo uu dhaley Suldaanku.

miyirWariye Miyir Cali Xuseen Waxaa uu  sheegay ka hor intii aan la soo weerarin in uu Telefoonka kala soo Hadley Suldaan Xiirey kaasi oo Hanjabaad iyo Aflagaado aan loo meel dayin iskugu darey isla markaana ku wargeliyey in uu weerar ku soo qaadi doono.

Agaasimaha Guud Ee Shabakada Warar Qarninews  waxaa uu sheegay in uu u ashkato u tagey Saldhiga Boolis ee Xaafada Macalin Haaruun taasi oo ugu waramay waxii igu dhacay iyo sida wax  u dhaceen ka dibna loo jarey warqada Dhaawac muujinta  kadibna  ay ku yidhaaheen nagu soo noqo ilaa hadana aan waxba laga qaban.

Halkan Guji oo DHAGEYSO Wareysi Agaasimaha Guud Ee Shabakada Qarninews Oo ka Hadley Koox Maafiyo ah Weerar Culus ku Qaaday Xarunta Guud ee Shabakadaasi ee Magaalada Hargeysa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here