Hay’adda culimadda Islaamka adduunku oo xaaraan ku tilmaantay shaqada TIENS
“Waxaynu sheegaynaa inay xaaraan tahay hawsheedu, ninkii gudcur ku cantuugaya isaga ayey u taalaa…wixii hore Illaahay ha idinka dhaafo….”
Burco (Hubaal)-Culimada magaalada Burco ayaa si adag uga hadlay shaqada shirkada Tiens ka wado dalka, isla markaana ku tilmaamay xaaraan, loona baahan yahay inay faraha kala baxaan dhamaan inta ku guda jirta hawlaheeda.
Kulan su’aalo diineed lagu weydiinayey ayuu Sheekh Maxamuud ku sheegay in shirkada Tiens iibkeeda ku jirto khiyaano, ribbo iyo in lagu qaadanayo xoolaha dadka xaqdaro, culimada islaamku guud ahaan isku raaceen inay dembi tahay ka shaqeynteedu.
Shirkadan Tiens oo deegaano badan oo Somaliland xafiisyo ku leh, isla markaana ku iibiya daawooyin la sheego inay caafimaadka wax ka taraan, ayaa Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa diinta islaamku ka qabto hawlaha shirkada Tiens qabato waxuu yidhi,
“Shirkadani waa shirkad caalamka soo martay oo Galbeed ka soo bilaabmatay, ilaa carabta iyo Afrika soo jiidhay, aan filayo inay dalkeena immika soo gaadhay. Shirkada waxa luuqada carabiga loo yaqaan shirkadaha budhacada, culimada islaamku way ka hadleen, waxa ugu dambaysay kulan ka dhacay magaalada Garoowe, go’aamana way ka soo saareen. Hay’adda ugu saraysa culimadda Islaamku way ka hadleen.
Waddamadda islaamka markii hore ayey u yara dhuumatay waxa ka mid ah Masar iyo Sudan, markii dambe warkoodii waa la fahmay inay tahay shirkad budhcad ah, oo ummada dhacaysa.
Sheekh maxamuud ayaa sheegay in hawsha shirkada Tiens ku jirto khiyaami, ribbo, isla markaana hay’adda culimadda islaamku xaaraan ku tilmaameen hawlaheeda, waxaanu yidhi, “Dhowr qodob ayaa ku jira iibkeeda. Ribbo ayaa ku jirta,khiyaano ayaa ku jirta, in xoolaha islaamka xaqdaro lagu cunno ayaa ku jirta. Si fiican hay’adda ugu sareysa culimadda islaamka ayaa uga hadlay, go’aamada ay ka soo saareen way qoran yihiin.
“Waxaan leenahay dadka ka shaqeeya ama dadka wax ka qaadqaata, dadku waa muslimiin, oo diin jecel, haddii ay aqoon fiican u lahaan lahaayeen diintooda iyo waxay ka qabto arrinka shirkada way ka joogsan lahaayeen. Waxaynu sheegaynaa inay xaaraan tahay hawsheedu, ninkii gudcur ku cantuugaya isaga ayey u taalaa. Waxaan leenahay waxii tegay illaahay ha idinka dhaafo, waxii dambena haddaad ka joogsan weydaan ogaada inaad xaaraan quudanaysaan.”
Shirkada Tiens oo xarunteedu ku taal magaalada Hargeysa ayaa hore xilliyo kala duwan xukuumada Somaliland uga soo saartay go’aamo lagu joojinayo hawlaha ay ka wado dalka, inkastoo ilaa wakhtigan aanay jirin wax ka fulay go’aamadaa hay’adaha kala duwan ka soo saareen
source:Himilomedia.com