Ciyigii Waa ka baryay Qofkii Cunaybaa ka Liita! Qalinkii: AA Ciidle

0
112

Waa odhaah soomaalilyeed oo u ah tiir dhexaad hadalada soomaalida oo waxaa dhaqan u ahaa dadka soomaalida ah in ay waxaa la yidhaa ciyiga oo hab dhaqan soo jireen ahaa oo dadka deegaanka ahi ama jaarka ahi marka ay ducaystaan ama ay shidhaysanayaan ay nimba ninka xiga ama ay jaarka yihiin uu martiqaado ayaa waxaa la odhan jiray ciyi, laakiin hadana waxaa dhaqan u ahaa in ciyiga aanu waagu ka baryin ee markaaba loo dhiibo ku yaroo gacan fudud si xaafada jaarka uu ciyiga ugu geeyo, laakiin haduu waagu ka baryo waxaa dhaqan ahaa in aanlaga qaadan xaafadaasi Markaasi ayay afka soomaaliga oo ah af hodana waxaa laga bixiyay maah maahdaa mahadhada reebtay ee ah ciyigii waa ka baryay qofkii cunaybaa ka liita.

Waxaana loogu soo hal qabsadaa wax kasta oo dhaafay shinkiisii ama waagu ka baryay.

Waxaa iminka taasi lamid ah xaalada maalmahan taagnayd ee ahayd dilkii labada taliye ee ka tirsanaa ciidamada qaranka Soomaaliland ,oo habeen dhawayd lagu dilay xero ku taala magaalada qori lugud ee gobolka togdheer taasi oo ninka tirsanaa ciidamada qaranka Soomaaliland uuku dilay xeradaasi ku taala qori lugud taasi oo aanlaqaban gacan ku dhiiglahii isla mar ahaantaasina xukuumada Soomaaliland ay si aad u milga liidata ay uga habsaantay una aastay sika baxsan habqarameedka lagu aaso saraakiisha dawlada eekala gadisan taasi oo aadloola yaabay waxaana halkaasi ka dhashay gadood shacab oo isna sababay dhibaato hor le iyo dhaawac farabadan iyo dhimashada wiilyar iyo dhaawaca hooyadii oo aad u liitada .

Waxaa halkaasi iska dhaga tiray tacsidii uu islaamaha u diri jiray madaxwaynaha Soomaaliland oo uu si garasho ah uga muquurtay isaga oo uga danlahaa cadho hoose oouu waayadanba u qabay madaxwayne Siilaanyo isaga oo xaga dambe ka tuuray taageeradii loogu doortay hogaanka dalka ee ay reer gabilay iyo reer awdal haldaba la ku doorteen,waxaan isna soo hadal qaadin taliyaha ay arintani khusayasay ee ciidamada qaranka u taliyaha ah oo afka ka xidhay tacsidii uu xaqa u lahaa isla mar ahaantaasina dadwaynaha u noqon lahayd dajin waxaana halkaa ka dhacay mudaharaadyo lagaga jawaabayay quudhsigaa ay xukuumada axmads iilaanyo ula badheedhay dadwaynaha labaasi gobo lee awdal iyo gabilay , waxaana halkaa ka dhacay waxaanay uba daban xukuumada axmad siilaanyo ,meeshii ay xukuumada siilaanyo banaysay ayaa waxaa ka gufeeyay madaxda axsaabta qaranka oo markiiba ka hadlay dhibaatadaasi isla mar ahaantaasina tacsi u diray waalidiintii labadaasi sarkaal .

Waxaa wax lala yaabo ah in shan cisho dabadeed geeridaasi maanata oo axada isla soo taagay warbaahinta kala gadisan wasiirka wasaarada gaashaan dhiga ,madaxwaynaha soomaaliland axmad siilaanyo,iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid muuse biixi cabdi waxaanay yaab iyo amakaag ku noqotay ciidamadii qaranka soomaaliland ,iyo shacabka ,iyo cidkasat oo dhagaysatay ama daawatay ,

Waxaana cadaatay meesha ay xukuumada Soomaaliland kasii dhacayso oo ah haadaantii ayka dhaceen xukuumadahii ka horeeyay,waxaanay taagaasi sileedahay ku dajiya dadkii ka kacay bilaa xurmada laakiin waxaala yidhi qalbi gudhan miyaa qosol lagu godlaa waa amaya .

Waxaanan guntii iyo gabagabadii usheegaynaa xukuumada axmad siilaanyo talo waa mar aadgaran waydo iyo mar aad gaadhi waydo taasina waakaa galbatay kumana soo noqonayaan shavabkii firdhaday,

Waxaana meesha taal waxbana yaanu xoolana isiin xeerkayna I marine xaasha’e nin tacsi kaa hagaraday xumahii waayaabe  ,

Sidaa daraadeed waxaan shacabka gobolda Galbeedka dalka u sheegaynaa inaad ogaateen halka aynu kala joogno inaga iyo xukuumada siilaanyo sidoo kale waxaanu  u sheegaynaa Muuse Biixi in laga eedaamay xiliga uu afturayay madaxwaynahana waxaan leeyahay nin kaa quusanbaa quus ah,ciidamada qarankana waxaan leeyahay yaanay waxan dhacayaa wax yeelin walaaltinimadiinii cadawgana sidii hore isaga dugsada inta ay imanayso xukuumad xaqiina garanaysaa .

Waxaanan kusoo gunaanadayaa ciyigii waaka barayay qofkii cunaybaa ka liita

wa bilaahi tawfiiq

QALINKII AA.CIIDLE hargaysa soomaaliland

Alla Maganne; ASMARA Ayaa Ka Dhow ADDIS ABABA Weriye  A. A. Ciidle, Hargeysa, Somaliland
Alla Maganne; ASMARA Ayaa Ka Dhow ADDIS ABABA
Weriye A. A. Ciidle, Hargeysa, Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here