W/Q: Senior Banker ah Warsame Sh. Muxumed Warsame
Bismillaahi dabadeed, waxaan jecelahay inaan halkan akhristayaasha ugu soo gudbiyo cilmi baadhis kooban oo aan filayo in ay bulshada u iftiimin doonta mashaakilka dabarka ku noqday hab sami u shaqaynta lacagta shilinka Somaliland. Sida laga war qabo waxaa jira kor u kac dhinaca sarrifka lacagaha qalaad ah khaasatan Dollarka kaasi oo sababay in nolosha maxasteenu adkaato. Haddaba haddii aan isku dayo inaan qodobeeyo halka salaadu ka xidhmi la’adahay ee sababta u ah duruufahan dhaqan dhaqaale, waxa aan odhan karaa:
- waxa jiray mashruuc ay xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale rusqad ku siisay shirkado gaar loo leeyahay inay sameeyaan nidaam lacagta laysugu xawili karo oo Electronic ah, nidaamkaas oo markii Madaxweyne Rayaal ogolaaday aan la dhaadanayn cidhiidh mushkilad ku noqday sarrifka lacagta shilinka Somaliland, iyadoo sidaas ay tahayna markii dawladdani timi ay dhaxashay. Sidaas markaan leeyahay waxaan uga jeedaa in anigoo aan dhaliilayn nidaamkan [ZAAD] oo ah adeeg lacagta laysugu diri karo, lagu iibsan karo, ama lagu xawilan karo uu saameeyey sarifka shilinka, taasina ay keentay in haba yaraatee aanu baanka dhexe ee Somaliland dalka uga masuul ah nooc kasta oo lacag ah aanay gacanta u gelin maamulida qiimaha sarrifka lacagta.
Hadaba si loo xalilo qodobkan oo ah sharul-umuur ,waxan kula talinayaa Madaxweynaha iyo wasiirka maaliyada in ay taageero buuxda siiyaan qorshaha baanka Somaliland, halka wasiirka Maalliyada iyo madaxda bangiga dhexe ee Somaliland-na aan ka codsanayo in aanay joojin habkan ZAADka oo waqti xaadirkan ambobaxay meel laga soo celiyana aanu taagnayn. Balse taas beddelkeeda ay tallaabooyinkan qaadaan:
- In Xafiiska System-ka ZAAD Service ay maamulkiisa xukuumaddu kaalin muuqato ku lahaato iyada oo shaqaale iyo hawl wadeeno takhasus leh oo IT-ga Auditing-ka aqoon u leh baanka, maaliyadda iyo hantidhawruhu u u soo wakiishaan kuwaas oo si joogto ah ula socda wadarta [Total] guud ee lacagaha ku jira Mobile-da, taasina waxa ay sahlaysaa in si macnawiyan ah looga war hayo qadarka lacageed ee dhex wareegaysa dalka.
- Ka dib marka la ogaado qadarka lacagta ku jirta moobilada ee doolark ah waa in amar buuxa lagu siiyo shirkadaha adeegan fuliya lacag somaliland ah oo u dhiganta qadarka doolarka ee ay hayaan, si doolarku suuqa uu qarqiyo, doolarkoodana waa in aanu u sarrifin baanku ee ay suuqa kasoo sariftaan.
- Shirkadaha waa in ay ka mamnuucaan in ay sanduuq xisaabeedyadooda [Account] ku shubaan laca ka badan ta baanku ay dammaanada u dhigeen.
- Haddii ZAADka loo bedello shilinka Somaliland waxayba sitoos ah u noqonayaan baanka Somaliland ee awooda uleh soo daabicida shilinka ama national currency-ga waayo message waxa lagu kala iibsadaa waa lacag la daabacay , systemkan kamajiro MARAYKAN ,YURUB ,CHINA iyo dalalka wax soosaarkaleh. Haddii kale waxa imanaysa murtidiia hayd “Hebeloow gabay xoolo noqonwaa” markaa si taas looga badbaado haddii $300,000,000 ay ku jiraan mobilada dadka, halaga shubo shirkadda $300,000,000 oo doolar hana shaqeeyo ZAADku. hadii aanay bixin karayn serverkaas ha lagu wareejiyo baanka Somaliland oo ay shaqadiisu tahay, hana lasiiyo shirkada leh server-kan khidmad ama saami.
- Qoddobka kale ee ka mid ah asbaabaha curyaamiyey shilinka Somaliland waa lacagta xawilaadaha ee dadka toos loo siiyo dollarka caddaanka ah, baanka ugu weyn Somaliland ee hawshan qabtaa waa shirkada waddaniga ah ee DAHABSHIIL waana shirkad gaar loo leeyahay, shirkadan waa in amar lagu siiyaa in ay dadka ku siiso lacagta ay bixinayaan shilinka Somaliland, doolarka ay hayaana ay ka sarrifaan baanka dhexe ee Somaliland kolba qiimaha(rate) uu suuqa ka marayo.
Nuxurka Talo-bixintaydan u Weyni waxa weeye:
- In laga shubo shirkadaha fuliya adeega message wax ku kala iibsiga lacag udhiganta inta moobilada lagu isticmaalo doolar ama cash.
- In xawaaladuhu bixiyaan shilinka somaliland joojiyana doolarka ay tooska ubixinayaan,doolarka ay bixinayana ay kasoo sariftaan baanka dhexe.
- Wholesaler-ka iyo retailer-ka waa in lagu kaantaroolo sicirka badeecadaha kala duwan ee dadku maalinlaha u iibsadaan.
Allaa Mahad leh
Qalinka: Warsame Sh. Muxumed Warsame
Aqoon-yahan khabiir ku ah arrimaha Bangiyada