Labada dhinac oo xaqiijiyey khasaare kooban oo kala gaadhay iyo wararkii u dambeeyay xaalada jiida Sool
Dharkayn-geenyo(Hubaal)-Ciidamada Somaliland ee Jiida Gobolka Sool iyo Maleeshiyaadka Maamulka la baxay Khaatumo, ayaa Iska-horimaad ku dhex maray deegaan la yidhaahdo Qurac Maqsin oo u dhexeeya Deegaanada Dharkayn geenyo iyo Dabataag, kaddib markii ay isku dhaceen Kolanyo ka tirsan Ciidanka somliland oo u socday dhanka deegaanka daba-taag iyo dabley taabacsan khaatumo oo ay isku soo baxeen.
Dagaalka oo bilaabmay abaaro salaadii Maqrib, ayaa waxa la sheegay inuu istaagay markii shaacu madoobaaday ama fiid-madowgii caawa
sida ay xaqiijiyeen saraakiil u hadlay labada dhinac, waxa dagaalkaas kaga dhaawacmay tiro askara, wallow aanay jirin warar madaxbanaan oo laga helay baaxada waxyeellada kala gaadhay. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ee Jiida Gobolka Sool, ayaa Gobanimonews u sheegay in dhinacooda hal askari kaga dhaawacmay israsaaseynta. Sarkaalka oo ka cudur daartay inaan magaciisa xusno, ayaa intaas ku daray .“dagaal wayn muu ahayn ee wax yarbuu ahaa, markiibana wuu iska dhamaaday, xaaladuna waa caadi iminka” ayuu yidhi Sarkaalka oo sidoo kale ka cudur daartay inuu caddeeyay goobta ay hada ciidankoodu ku suganyihiin sababo dhanka dhowrsanaanta Sirta ah awgeed.
Wax khasaare ah oo intaas ka badan muu sheegin dhankooda, dhinaca kalena wuxuu tilmaamay inaanay ilaa hada ogayn khasaaraha gaadhay.
Geesta kalena Cabdul Cagalule oo ka tirsan hor-galeyaasha Kooxda Khaatumo ayaa warbaahinta deegaanka u sheegay in dagaal xooggani dhex maray Ciidankooda iyo kuwa Somaliland. Wuxuu intaas ku daray in dhowr meelood iska hor-imaadyo ka dhaceen, khasaare dagaalna uu jiro wallow aanu si toosa u carrab-baabin waxyeellada dhankooda gaadhay. “Hal Nin oo askari reer Khaatumo ah oo dhaawaca ayaan ilaa hada aan ogahay oo jira. Xagooda laba gaadhi oo Tikniko ah oo gacanta lagu dhigay ayaan arkayaa” ayuu yidhi hor-galaha u hadlay Khaatumo.
Dhawaqa Rasaas teel-teel u dhacaysa ayaa laga maqlayey Telefoonka intii uu Warbaahintu waraysanaysay.
Ma jiraan warar madaxbanaan oo si dhaba uga waramay dagaalkan iyo baaxada khasaarihiisa, iyo inay sidoo kale jiraan dad rayida oo waxyeello ka soo gaadhay, maadaama meesha lagu dagaalamay ay tahay Dhul Ay ah oo Xoollo dhaqato ku nooshahay.
Maaha markii ugu horaysay ee iska hor-imaad dhex maro Ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo, balse bishan oo qudha ayaa waxa dhex maray ilaa saddex dagaal oo kala dambeeyay, wallow aanay ahayn Dagaallo sidaas u miisaan culus.
source:gobanimonews