Ciidamo Ka Soo Goostay Puntland Oo Isu Soo Dhiibay Somaliland Iyo Masuuliyiin Ka Hadashay

0
32

Laascaanood(Hubaal)-Ciidamo ka tirsan maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ka soo goostay maamulkaas, kuwaas oo ku soo biiray ciidamada qaranka Somaliland, oo lagu soo dhaweeyay Gobolka Sool, isla markaana ciidamadaas ayaa sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamadda Asluubta maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Gudoomiye ku-xigeenka Sool ahna ku-simaha Gudoomiyaha Cabdirashiid Dalmar, Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland General Ismaaciil Cismaan Shaqale, Taliyaha ciidamada booliska ee qaybta Gobolka Sool Cabdiraxmaan Nuur Colhaye, Xildhibaan ka tirsan Golaha guurtida Somaliland Cabdiqaadir Indho-indho iyo waxgaradka Gobolka Sool,, kuwaas oo sheegay inay maanta garteen dalkooda hooyo, lana khalday. Qaar ka mid ah Ciidamadda ka soo goostay maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, oo shalay warbaahinta kula hadlay GObolka Sool, waxay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada Asluubta ee maamul-gobolleedka Soomaaliya, taasoo ay tilmaameen in lagula kacay midabtakoor. “Waxaanu ka tirsaneyn ciidamada Asluubta ee maamulka Soomaaliyeed ee Puntland, waxa naga soo kaxaysay anagoo 30 nin ah caadifad iyo midabtakoor nalagu sameeyay. Markii horena waa nala khalday oo waxa nalagu yidhi Puntland iyo dawladdiina u kaalaya. Dad ayaa na duufsaday oo dad abaday ayaanu ahayn,”Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ciidamada ka soo goostay maamulka Puntland oo watay gaadiid Tikniko ah.

54

 

 

 

Waxa isna halkaas ka hadlay mid ka mid ah ciidamada ka soo goostay maamulkaas oo ugu baaqay saaxiibadiisii kale ee ay kaga yimaadeen maamulka Puntland inay isaga yimaadaan wuxuu yidhi, “Kuwa goobihii aanu ka nimi ee nagaga danbeeya waxaanu kula talin lahayn hadii aad meel ka shaqaynaysid kaalay oo gurigaaga ka shaqee, iyadoo aad nabad, wannaag iyo sharaf ku joogisid. Cidna halkan ku odhan mayso ka dhaqaaq, waxaana ka mid tahay ummaddaada.” Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Sool oo isna ka hadlay ciidamada ka soo goostay maamulka Soomaaliya wuxuu yidhi, “Haddii qolada Koonfureed idin soo yara caadifadaysay koonfur iyo waqooyi ayaynu waligeen kala ahayn. Halkan caadifad iyo qolo mataalo, haddii aad joogtaan 17 cesho ayaad mushahar ku qaadanaysaan, mana jiro askari mushar beelaaya.” Xildhibaan Indho-indho oo isna ka hadlay madashaas, wuxuu sheegay in deegaanada ka tirsan Somaliland ee Buuhoodle ay ku raadinayaan nabad. “Dawladda Somaliland cid walba way soo dhaweynaysaa, waana dawlad nabad-doon ah. Taleexdaas inta yar u jirta Garoowe waxaad arkayseen in nabad laga wado. Buuhoodle nabad ayaa lagu raadinayaa meelna dad colaad iyo dagaal ku raadinaaya manihin,”ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho. Taliyaha qaybta ciidamada booliska ee gobolka Sool, wuxuu sheegay inay ka mid noqon doodaan ciidamada Somaliland wuxuu yidhi, “Dhalinyarada sharafta leh ee ku soo guriyo noqday hoygii ay lahaayeen, una dhasheen, Runtiina waxa farxad ii ah qalbi wannaagaas ay muujiyeen. Dhibaatada weyn ee keentay waxay tahay midabkatoor, sidaas ay kaga dhawaaqeen warbaahinta horteeda.” Gaba-gebadii Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Jeneraal Ismaaciil Shaqale oo isna ka hadlay wuxuu yidhi, “Aad ayaan u salamayaa dhalinyarada ku soo noqday gurigoodii hooyo, kuna maqnaa sidaas ay sheegeen in la khalday oo dad kale ay ku adeeganayeen. Waanu u hambalyaynaynaa waxay arkeen siday ugu farxeen.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here