Shacabka Deegaanka oo kaGadooday falka ay ciidamada Itoobiya ku kaxaysteen Wadaadka
Buuhoodle (Hubaal)- Ciidamada Liyuu Booliska ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa magaalada Buuhoodle ka qafaashay nin wadaad ah oo Dugsi Qu’raanka Kariimka ah lagu barto ku haystay magaaladaas, kaddib markii ay xoog ku galeen xilli uu ku sugnaa gurigiisa subaxnimadii shalay.
Ciidamada Liyuu Booliska oo ku gaashaaman gaadiidka Milatariga, ayaa la sheegay inay u soo tallaabeen dhinaca Xuduudka Somaliland ee magaalada Buuhoodle, isla markaana ay gurigiisa ka kacaysteen ninka wadaadka ah xilli subaxnimadii hore ahayd, waxaanay halkaas dhaawac ugu geysteen Xaaska uu qabay ninkani oo ay Xabbad ku dhufteen kaddib markii sida wararku shegeen ka hadhi-weyday ciidamada Liyuu Booliska.
Lama oga sababta rasmi ah ee Ciidamada Itoobiya u bartilmaameesadeen ninkan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobollada Koonfurta Soomaaliya, haseyeesehee sida uu Himilo u xaqiijiyey mid ka mid ah Odayaasha Magaalada Buuhoodle, wadaadka Macalinka Qur’aanka ku haystay magaalada, ayaa xadhiggiisa lala xidhiidhiyey tuhunno xagga ammaanka ah.
Warku waxa uu intaas ku daray inaanay jirin cid la hadashay iyo khasaare kale oo ay geysteen ciidamada Itoobiya ee ka soo tallaabay xuduudka marka laga yimaaddo Xaaska ninka la afduubay oo Askarta Liyuu Boolisku rasaasta isaga reebeen, taas oo wakhtigan oo lagu dabiibayo cusbitaalka magaalada Buuhoodle.
Badhasaabka gobolka iyo Maayarka Magaalada Buuhoodle oo isku daynay inaanu khadka telefonka kula xidhiidhno, nooma suura-gelin inaanu helo telefoonadooda oo xidhnaa awgeed.
Magaalada Buuhoodle oo Xuduudka labada waddan ee Itoobiya iyo Somaliland kala qaybiyo isla markaana ku taalla meel-istaraataji ah, ayaa wakhtiyo badan dhibbane u noqotay Ciidamada Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xilliga ay doonaan hawl-gallo ka fuliyo magaalada,Iyaga oo u soo tallaaba dhinaca xuduudka Somaliland.
Source:warsomali.net