AKHRI: Bayaan Ay Soo Saareen Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beesha BAHO DEEQSI [Ex. Baha-duqsi] iyo Nuxurka 5 Qoddob Oo Baaqaasi Huwan Yahay

0
42

‘’Ninka doonidaydii, Kala degey halkiisow, Anba doonnidaadii, Kala degey hankaygii ’’ Hadraawi

AKHRI: Bayaan Ay Soo Saareen Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beesha BAHO DEEQSI [Ex. Baha-duqsi] iyo Nuxurka 5 Qoddob Oo Baaqaasi Huwan Yahay

Madaamo cadaaladda iyo sinaanshuhu saldhig u yihiin wadajirka, wax wadaqabsiga iyo horumarka bulshada Somaliland, waxa waajib ah in ay xukuumaddu ilaaliso xuquuqda muwaadinka oo dastuurka JSL si quman oo qeexan u damaanadqaadayo. Dhinac kale, hab-dhaqanka siyaasadeed ee Somaliland ayaa ah mid xukuumad kasta oo Somaliland majaraha u qabataa ka turjunto guud ahaan bulshada waajibna ay tahay inay qaybaha kala duwan ee bulshadu iska dhex arkaan.

Haddaba, shirar maalmahan u dambeeyay uga socday magaalada Hargeysa Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beesha BAHA DUQSI (CIIDAGALE), kadib wada-tashi iyo talo-wadaag, waxa looga dooday Tabashada siyaasadeed, Bahdilka, Cadaalad daradda iyo Iska horkeenka ardaayada Beelweynta Ciidagale oo xukuumada siilaanyo si badheedh ah oon gabasho lahayn ugu xuubsiibatay.

Waxay beesha BAHA DUQSI rajo beel iyo garawshiyo la’aaan ka muujiyeen xukuumada Siilanyo oo maanta odayaal Beesha Ciidagale ah iyo Madaxweyne Siilaanyo iska arkeen.

Bayaan (1)Shirku isaga oo dhawraya milgaha iyo sharafka Beelweynta Ciidagale, garawsadayna dibandaabyada qorshaysan ee xukuumada Siilaanyo ku bahdilayso Beeshan, waxay isla waafaqeen inay Baaq iyo bayaan wadajira si cad ugu gudbiyaan Xukuumada iyo Ardaayada Ciidagale.
Haddaba shirku wuxu soo saaray qodobadan:

1. Shirka waxa u cadaatay inaan Xukuumada Siilaanyo diyaar u ahayn garawshiyo ay ka bixiso tabashada Saami ee beeshani qabto, Sidaa daraadeed, Beesha Baho Duqsi oon helin saamigii ay xaqa u lahaayeen waxay si buuxda kalsoonidii ugala noqotay xukuumadan Gabal-dhaca ah ee saddexda bilood u hadhsanyihiin.

2. Shirku wuxu isku qanciyay in xukuumadani dhinac ka rarantahay, saamiga beesha Ciidagale laga siiyayna uuna ahayn mid lagu qancikaro sidaa darteed shirku wuxu ugu baaqayaa guud ahaan masuuliyiinta beesha Ciidagale u metesha xukuumada inay is casilaan oo tolkood dhinaca ka raacaan.

3. Shirku wuxu ugu baaqayaa Ardaayada Beel-weynta Ciidagale in sida ugu dhakhsaha badan laysugu yimaado shir aayo ka tashi ah oo lagaga arinsado arimaha dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed ee beesha.

4. Shirku wuxu isku raacay in bishan dheexdeeda Ardaaga Baho Duqsi iskugu yimaado Shir balaadhan oo lagaga arinsandoono halka Codka iyo Cududooda lagu aaminayo.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Ardaaga Beesha BAHO DUQSI (CIIDAGALE)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here