Cid ma leh! – W/Q. Faadumo Aadan Buuni

0
36

Magacooda cidi ma taqaan, iyaguna cidna ma yaqaannaan. Hoy ma leh, mana haystaan meel ay u hoydaan oo ay hurdo ka dayaan. Kulaylka cadceeddu ma damqo, mana diiriyo. Halka ay ugu dhacdo ayay haddana

faadumo aadanugu soo baxdaa. Da’ ahaan da’o badan bay iskugu jiraan. Ma yaqaannaan cidlada, se way ku caano maalaan. Inta badan lagama waayo dayrarka meheradaha iyo dooxyada Magaalooyinka. Qaarkood duruuf iyo darxumaa u gaysay degganaanshaha meelahaas, qaarna dar kalaa la deggan adduunyo kale oo inoo muuqanna way joogaan Aakhirana may tagin.
Dushooda diif iyo darxumaa ka muuqata doc kastaana way dalooshaa. Ma dareemaan daalka se way daaf wareegaan. Hu’ga dushooda saaran indhahaaga ku hayn kari maysid. Markaaba waxaad odhanaysaa Alla yaa ka saara.
Cuntadoodu waa hambada hudheellada haddayba helaan. Markaasaa sida xayawaanka wax loogu tuuraa oo ay dhulka ka soo qaataan baqasho laga baqayo qaarkood. Naxariis kama helaan dadka qaarkood iyo niyad wanaagsan oo naruuro leh, kamana naawilaan habo yaraatee. Magacyo qallafsan oo kakan ayaa loogu yeedhaa, qaddarinna hadalkeedaba daa! Laguma qasaarin lagamana quusan, se waa qaddar Alle oo Ilaahay u qoray, qaarna iyagaa halkaa is dhigay oo is baylihiyay, isna bahdilay. Qaar kalana dantaa badday oo darayga dhigtay.
Qaarkood marka ay iskugu yimaaddaan meelahay hoyga ka daydaan way is dilaan; waliba is tumaan. Marnaba iskuma tudhaan ee dhafoor kasta way is jabiyaan. Hadba kii roon ayaa reerka u hadha. Way is dhaawacaan, dhakhtarna mararka qaar ma helaan. Haddana nolosha ay ku jiraan way u dhabar adaygaan.
Marka ay dadku wada faraxsan yihiin iyaga waa u murugadooda, waayo dadku lama wadaagaan iyaga farxadda. Ma helaan dad ay la caweeyaan, lana ciyaaraan, oo ay misana la sacabbo tuntaan. Si ay naftooda uga badbaadiyaan gaajo iyo harraad mararka qaarna horseeda dhimasho, waxay ku kacaan ficillo aan la filan karin oo aan marnaba maankaaga ku soo dhacayn. Way se ku qasban yihiin sidaa – sababta oo ah noloshooda ayaa ku xidhan – kumase saxsana. Waa la iska wayneeyaa, loo mana haysto qaar cudurkan haya ee sidan u curyaamiyey laga samatabixin karo lagana caawin karo. Waaba lagu caayaa. Looma haysto dad maskax leh, muruqna u dheer yahay. Looma gargaaro, lamana garabasado.
Maxaa inoogu wacan sidan? maxaynu galabsannay? Ma waalidkeen iyo wakhtigaa sidan inoo galay, mise innagaa aafo farolagaqaad ah noqonnay oo la inoo taag heli waayay? Goormaynnu halkan nimid, maxaa se ina keenay? Yaa ina dhalay? Waa ayo se ciddeennu? Maxaa boggeena madhiyay? Haddana maxay busaaraddu inoogu dheer tahay? Oo haddana maxaa beerkeenna buuxiyay ee hawada beenta ah ee sumaysan ka buuxiyay. Maxaynnu u baqannaa? Haddana bahalladu inoo weeraraan oo wadnuhu bugtaa inoo hayaa?
Maxaa la inoo budeeyaa ee haddana la inoo bidhaansadaa? Maxaa la inoo dilaa ee haddana la inoo dulleeyaa? Maxaynnu wax u taransan weynnay ee aynnu haddana la tiiraayeysan nahay? Maxaynnu la tukubaynaa ee aynnu haddana la taag daran nahay? Maxaa wax la inoogu tari waayay misana la inoo taakulayn waayay? Maxaynnu dadka uga liidannaa, haddana uga liciifsannahay? Maxaa la inoo tilmaami waayay, ee misana talo la inoo siin waayay? Maxaynnu dadka ugu soocan nahay ee goonni socodka innaga dhigay? Maxaynnu qayrkeen u gaadhi waynnay ee haddana la qasaarnay? Maxaynnu se u quusannay? Maxaa se joog iyo jiif inoo diiday ee sidan inoo jideeyey? Maxaa sidan inoo galay ee aynnu u silloonnahay?!
Waa weyddiimaha ugu badan ee ay is weydiiyaan inta miyirka qabt ee wax kala garanaysaa. Laakiin cid ma leh uga war celisa weyddiimahooda oo u warranta.
Faadumo Aadan Buuni
Email:libaaxo.77@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here