Cali Waran-cadde Oo Beeniyey in Muwaadiniin Somaliland u Dhalatay Loo Gacan-geliyey Dhinaca Djibouti

0
42

Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa Beeniyey in Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay muwaadiniin reer Somaliland ah u gacan gelisay Dhiggeeda Djibouti.

Wasiir Warancadde oo Maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay jirin cid muwaadiniin ah oo meel kale la geeyey, isagoo carrabaabay inay socdaan Baadhitaano lagu daba joogo raadadka Dadkii dhawaan Djibouit qaraxyada ka geystay,

warancade 1

“cid reer Somaliland ah oo cid loo dhiibay ma jirtee baadhis baa socota baadhistaasi markay dhammaatana cid wal oo ama Somaliland ama Djibouti ah waxa lagu qaadayaa dambiga uu Galay.” Ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde.

Hadalkan wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan xukuumadda Somaliland ugacan gelisay muwaadiniin reer Somaliland oo tiradooda saddex lagu sheegay dhinaca xukuumadda Djibouti,  si halkaas Su’aalo loogu weydiiyo.

Dhawaan waxa warbaahinta dalka laga arkayey ehellada qaar ka mid ah muwaadiniinta loo gacan geliyey xukuumadda Djibouti oo Somaliland ku eedaynaya inay Gabtay xaqii muwaadiniinteeda  oo ahaa inay ilaaliso.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here