Cabdiraxmaan Cirro Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Si Buuxda U Tix-galiso Tabashooyinka Beelaha Samaroon + Madax-dhaqameedka Beelahaas Oo Durba Ganafka ku dhuftay Jawaabtii U Horaysay Ee Madaxweyne Siilaanyo Ka Bixiyey Tabashooyinkooda.

0
22

Hargeysa(Hubaal):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay si gaar ah u tix galiso cabashooyinka dhinaca Saami qaybsiga Xukuumada ee ay u soo gudbiyeen Madax-dhaqameedka beelaha ka soo jeeda deegaanada gobalada Galbeedka Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad soo dhawayn ahayd oo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI uu ku qaabilay Fanaanada Sahra Halgan ,Siyaasiga Aadan Ruush iyo Taageerayaal mug iyo miisaanba leh oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI.waxaana uu sheegay in si fiican loo dhagaysto,lana soo dhaweeyo cabashooyinka ka soo yeedhay Madax-dhaqameedka beelaha Guda-Biirsi ee Gobalada Galbeedka Somaliland.

“Baryehan danbe waxaa aad kala socoteen Saxaafada in Odayaal badan oo ka socda gobalka Awdal ay joogeen,lana kulmayeen Xukuumada gaar ahaan Madaxweynaha,waxaanu taageeraynaa in odayaasha la soo dhaweeyo in sifiican loo dhagaysto cabashadooda haddii Illaahay ka dhigo waxna lag qabto cabashooyinkooda”Ayuu yidhi Mr:Cirro

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Xisbiga WADDANI,waxaa uu si buuxda uu u taageerayaa difaacida Qaranimada iyo Xuduudaheedaha.Shacbiga Somaliland meel kasta oo uu joogo waa muwaadiniin u siman Xuquuqda waxaana uu xil ka saaran yahay difaaca sharaftooda iyo Xuquuqdooda aas-aasiga ah Xukuumada Somaliland”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Hadalkan ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland isla shalayba waxaa uu ku dhawaaqay in uu gudi u saarayo ka so tala bixisa,soo baadhaysa cabashooyinka beelaha Galbeedka Somaliland,waxaana ay gudidani ahaayeen kuwo heer Wasiiro ah.

Dhanka kale Madax-dhaqameedka Beelaha Guda-biirsi ayaa dhankooda ganafka ku dhuftay gudida uu Madaxweyne Siilaanyo u saaray in ay cabashooyinka iyo tabashooyinka dhinaca Saami qaybsiga Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,waxaana ay war-saxaafadeed ay soo saareen ku cadeeyeen in aanay marnaba aqbali doonin gudida uu u saaray Madaxweynuhu tabashooyinka arrimahooda,iyaga oo markaasi ku sifeeyey in Madaxweyne Siilaanyo arrinta aanu danaynayn oo dhan uu u saaro gudi,balse ay ku qancayaan in ay Madaxweynaha si toos ah ay arrimahooda isula garnaqdaan,si wax looga qabto tabashooyinka Beelaha daga Gobalka Awdal iyo Salal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here