Caaqil Mustafe Nuur Ducaale oo wasiirka arrimaha guddaha ku bogaadiyay xilka xoghayaha fulinta dawladda hoose ee uu u magacaabay Ibraahin Axmed raabi

0
27

Tampere (Hubaal) Caaqil mustafe nuur ducaale ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin iskugu jira u kala diray wasiirka arimaha gudaha dalka jamhuuriyadda somaliland iyo xog-hayaha fulinta dawaladda hoose ee magaalada hargaysa oo uu magacaabay maanta .

Xoghayaha-CUSUB-EE-DAWLADA-HOOSE
Ugu horeyn waxaa caaqil mustafe nuur ducaale uu hamblayo u diray wasiirka wasaaradda arimaha gudaha dalka somaliland mudane cali maxamed warancadde oo uu kaga mahad celinayo xilka uu u magacaabay xog-hayaha fulinta dawladda hoose ee caasimadda hargaysa mudane cabdi axmed raabi oo ah masuul ka soo baxaya shaqadiisa isla markaasna aqoon iyo hufnaan sare u leh shaqada loo magaacabay, taas oo wasiir warancadde noqday shaqsi ama masuul qaran oo ku dhac leh.

Ugu dambeyntiina xukuumadda iyo xisbiga kulmiye waxay beeshu ku barbar istaagaysaa 5 sanno  ee dambe ee loo dooranayo madaxweynaha somaliland mudane axmed maxamed maxamuud silaanyo oo u qalma masuul hogaamin iyo wax qabad ku caan baxa, sidoo kale waxaa caaqilku farayaa dadka uu u taliyo uu markaasi caaqilka u yahay inay taageeraan xukuumadda somaliland iyo xisbiga kulmiye .

 Allaa Mahad Leh

Caaqil Mustafe Nuur Ducaale

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here